QM oo war kasoo saartay khasaaraha roobabka iyo duufaanta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Khubarada saadaasha hawada ayaa maalmihii u dambeeyay ka digayay roobab duufaano wata oo ku aaddan xeebaha Puntland iyo Somaliland.

Duufaan xoog leh ayaa ka dhacday degaanada ku teedsan Gacanka Cadmeed, taas oo sababtay roobab culus oo ka da’ay waqooyiga Soomaaliya labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Duufaanta waxaa ku burburay guryo badan, iyadoona ay ku dhinteen ku dhawaad 2,000 oo xoolo ah, kadib fatahaada ka dhashay roobabka kaas oo geystay khasaaro lixaad leh.

Roobabka wata dabeylaha ayaa ku rogmaday qeybo kamid ah deegaanada labada maamul sida magaalooyinka Qardho, Barbera iyo deegaano kale oo dhowr ah.

Hay’adda QM u qaabilsan isku dubarridka arrimaha bani’adanimada ee UNOCHA ayaa sheegtay in khasaare xoog leh uu geystay Roob dabeylo watay oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka da’ayay Waqooyiga iyo bariga Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay UNOCHA ayaa waxaa lagu sheegay in 35 Guri ay baaba’een sidoo kalena ay in ka badan 2,000 oo neef ku Bakhtiyeed duufaanta iyo Roobka ku dhuftay xeebaha maamullada Somaliland iyo Puntland ee Soomaaliya.

Warbixinta UNOCHA ayaa lagu sheegay in 56 Neef oo Geel ah, 1,260 Neef oo Ari ah iyo 19 Dambeer ay ku nafwaayeen degaanada dhaca  Laasqori,Habarshiiro iyo Ceel Buur ee Gobolka Sanaag.

“Hay’adaha  bani’aadamnimada ayaa si dhow ula soconaya xaaladda waxyeelada duufaanta kasoo gaartay dadka kunool Puntland iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda gargaarka ee QM.

Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Puntland, roobab culus ay ka da’een , waxaana ka mid ah meelaha ugu daran Bareeda, Caluula, Murcanyo, Gumbax.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com