Xildhibaan Xiddig oo weerar ku qaaday guddoonka BF iyo xildhibaannada

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia, ayaa si kulul uga hadlay Xildhibaano uu sheegay in si maalaayacni ah uga maqan yihiin kulamada baarlamaanka.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in maqnaanshiyaha Xildhibaanada baarlamaanka ay muujineyso mas’uuliyad daro ka muuqata Guddoonka Golaha shacabka.

Guddoonka baarlamaanka ayuu sheegay in laga doonaayo inay la xisaabtamaan Xildhibaanada maqan, isagoo ku baaqay inay lagamamaarman tahay in la helo isla xisaabtan.

‘’Waa nasiib darro in Gudoonka uusan la xisaabtamin Xildhibaanada maqan, taxa ay isla xisaabtan la’aanta muujineysaa in cid waliba ay u banaan tahay sameynta waxa ay doonto’’

‘’Waxaa arrin khalad ah in Xildhibaanada qaar ay joogteeyan kulamada, qaarna ay ka maqnaadan kulamo waliba waxaan arrinkaas weydiineynaa Gudoonka baarlamaanka’’

Xiddig ayaa sheegay in XIldhibaanno yar oo uu isaga ka mid yahay ay xilli hore xaadiraan kulanka Golaha shacabka halka kuwo kalena uu sheegay in aysan imaan fadhiga Golaha shacabka.

Waxaa uu intaas ku daray in markii ay dhaceysay doorashada Guddoonka cusub Xildhibaanno ka badan 200 ay xaadireen kulanka islamarkaana ka qeybgaleen doorashada guddoonka cusub, hadana ay ka maqan yihiin kulamada muhiimka ah.

Sidoo kale, Xildhibaan Xiddig ayaa sheegay in muhiimada ay u shaqeynayaan Golaha shacabka ay tahay wax u qabashada dadka iyo dalka hayeeshee aysan Xildhibaannada qaar arrintaas ku baraarugsaneyn.

Haddalka Xildhibaan Xiddig ayaa u muuqanaaya mid lagu muujinaayo khaladaadka ay caadeysteen Xildhibaanada baarlamaanka iyo isla xisaabtan la’aanta ka jirta dhanka Guddoonka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com