QM oo war kasoo saartay xaaladda gobolka GEDO

Muqdisho (Caasimada Online) – QM ayaa warbixin ay maanta soo saartay uga hadashay xaaladda gobolka Gedo, oo ay isku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland, iyo saameynta bani’aadannimo ee ka dhalatay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 9,000 oo qoys ama 56,000 oo qof ay ka barakaceen gobolka Gedo tan iyo bishii Febraayo, markaasi oo xiisadda dowladda iyo Jubaland ay korortay.

“Waa in dadaal kasta lagu bixiyaa in la yareeyo dhibaatada shacabka iyo waxyeelada iskuulada, xarumaha caafimaadka iyo guryaha,” waxaa sidaas yiri Isku duwaha bani’aadannimada QM ee Soomaaliya Adam Abdelmoula.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo shacabka iyo hantidooda, xilli ay rabshadaha kasii darayaan.”

Warbixinta QM ayaa lagu sheegay in dadkan badankood ay ka barakaceen Beled Xaawo iyo xerada barakacayaasha Baladul Amiin ee u dhow.

Dadkan ayaa qaarkood gaaray Luuq iy Doolow, halka qaarna ay tageen xaafado ku yaalla duleedka Beled Xaawo iyo baadiyaha.

Warbixinta ayaa sheegtay in dadka qaarkood loo diiday inay ka baxsadaan degaanka oo la celiyey.

“Waa muhiim in dhammaan dhinacyada ay dhowraan dhaq-dhaqaaqa shacabka ka cararaya goobaha dagaalka, si ay u helaan bad-baado iyo caawimaad bani’aadannimo,” ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Xiisadda Beled-Xaawo ayaa ka dartay shalay, markaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland. Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 5 qof ayada oo 15 kale ay ku dhaawacmeen.