Qodobada caqabada ku ah heshiiska Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib heshiis lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb ee lagu cadeeyey doorashada 2020/2021 ayaa waxaa soo badanaya fal-celinta laga bixinayo heshiiskaas oo ay gaareen Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaasha maamullada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Duqa magaalada Muqdisho.

Siyaasiga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, marna madaxweyne ka soo noqday Galmudug ayaa ka hadlay heshiiskaas, isaga oo marka hore soo dhoweeyay jiheynta loo sameeyey doorashada Soomaaliya ee lagu muransanaa.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale soo bandhigay saddex qodob oo uu sheegay inay caqab ku noqon karaan heshiiskaasi, waxayna kala yihiin 1-diidamada dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, 2-kaalinta xisbiyada mucaaradka oo meesha ka maqan iyo 3-qodobada ku jira heshiiska oo qaarkood u baahan dib-u-habeyn iyo tafaasiil dheeri ah, sida maamulka doorashooyinka iyo qaab xulista ergooyinka.

Sidooo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay midnimo siyaasadeed, si uu u dhaqan-galo heshiisan oo muhiim u ah doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka.

Halkan hoose ka aqriso Qoraalka, Cabdikariin Xuseen Guuleed

Waxaan soo dhoweynaya qodobbada heshiiska Dhuusamareeb 3 oo dalka u jiheynaya doorasho la jaan qaadi karta waqtiga dhiman iyo duruufaha jira. Heshiiska waxaa ka muuqata inuu bilaaw fiican u yahay qabsoomidda doorashada wadar-ogol ah, wuxuuna daboolaya walaacii ummadda Soomaaliyeed ka qabtay hubanti la’aantii xilliga kala guurka ah.

Waxaan indhaha laga qabsan karin culeyska ay leedahay maqnaanshaha dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland oo muhiim u ah wadajirka dalka iyo geeddi socodka doorashooyinka.

Waxaana ku baaqayaa in la raadiyo oo lagu qanciyo hanaan suuro gelin kara dib eegis lagu sameeyo qodobada heshiiska si uu u noqdo mid loo dhan yahay oo taabo-gal ah.

Heshiiskan waxaa ku jira qodobbo badan oo u baahan dib-u-habeyn iyo tafaasiil dheeri ah, sida maamulka doorashooyinka iyo qaab xulista ergooyinka.

Waxaa kaloo ka maqan kaalintii Xisbiyada Siyaasadda oo ah iyagu kuwii ku tartami lahaa doorashada loo adeegsanayo heshiiskan. Haddaba maadaama ay muuqato in aan laga maarmi doonin in habraac faahfaahsan loo sameeyo heshiiska oo qodobbada qaar la turxaan bixiyo, waxaan soo jeedineynaa in tallada lagu biiriyo xisbiyada siyaasadda inta aan Baarlamaanka loo gudbin.

Waxaan markale xoojinayaa muhiimadda ay leedahay in si dhaqso ah heshiiskan uu helo midnimo siyaasadeed, lana siiyo mudnaan gaar ah dadka aan looga maarmin hirgelinta doorasho la isla ogol yahay loona dhan yahay ,si uusan waqti kale uga khasaarin dalka iyo in laga fogaado in danno kale oo gaar ah loo adeegsado heshiiskan.

Gabagabadii waxaan u mahadcelinayaa maamulka iyo shacabka reer Galmudug oo ayagu martigaliyey qeyb weyna ku lahaa qabsoomidda shirarkii Dhuusamareeb ee is xigxigay.