Qodobka ugu cawaaqibka weyn heshiiska doorasho ee lagu gaaray Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ee Villa Somalia ayaa lagu gaaray heshiis ka kooban 15 qodob, waxaana qodobka ugu cawaaqibka weyn uu noqday inuu meesha ka baxay guddigii madax-banaanaa ee doorashooyinka qaranka.

Qodobka koowaad ee heshiiska ayaa u qoran sidan “In dowladda federaalka ay magacawdo guddi doorasho oo heer federaal ah kaas oo kaashanaya guddi doorasho oo heer dowlad goboleed ah.”

Qodobkan ayaa macnihiisu yahay in guddiga ay hoggaamiso Xaliimo Yarey uu meesha ka baxay, haddii madaxweynaha uusan go’aansan inuu dib u magacaabo taasi oo wax diidaya aan lagu xusin heshiiska.

Xitaa haddii dib loo magacaabo guddiga ma yeelan doono awood buuxda, waxaana awoodda iyo maamulka doorashada la wadaagi doona guddiga ay soo magacaabi doonaan dowlad goboleedyada.

Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ayaa waxaa ku jiray in guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka ay hoggaamiyaaan doorashooyinka, hase yeeshee waxaa ka horyimid maamul goboleedyada, maadaama guddigan loo tirinayey inay ku dhow yihiin madaxtooyada.

Heshiiskii lagu gaaray Villa Somalia ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu kaga tanaasulay qodobo badan, waxaana muuqata in madaxweynaha in ugu dambeyn uu wax walba u huray in dalka doorasho ay ka dhacdo.