Qoor-Qoor iyo Guudlaawe oo ku loolamaya hal kursi

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay natiijo la’aan kusoo dhamaaday kulan ay xalay magaalada Muqdisho ku yeeshen Senatoro ka tirsan Aqalka Sare oo laga soo doorto deegaanada HirShabelle iyo Galmudug.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaas ayaa ujeedadiisu aheyd in Senator-da Galmudug ay ka codsadaan kuwa HirShabelle in Senator Cabdixakiim Macalin Axmed looga tanaasulo kursig Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, oo uu kula tartamayo musharax kasoo jeeda HirShabelle.

Kursiga guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa isku haya Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo laga soo doorto HirShabelle iyo Senator Cabdixakiim Macalin Axmed oo asagana laga soo doorto Galmudug.

Madaxweynayaasha labada maamul goboleed ayaa la soo warinaya inay kala taageersan yihiin labada musharax, ayada oo mid walba uu dadaal badan ku bixinayo sidii uu kursigaas ku heli lahaa qof kasoo jeeda deegaankiisa.

Xogta aan helnay ayaa waxay tilmaameysa in Senator-dii ka socday HirShabelle ay diideen inay ka tanaasulaan kursigaas, islamarkaana ay sheegen inay diyaar u yihiin in la tartamo oo qofkii guuleysta uu helo.

Dooda u weyn ee ay qabaan xubnaha HirShabelle ayaa ah in kursigaan oo ay wadaagan beelo kasoo jeeda labada maamul, aysan hadda sax aheyn in markale uu dhankeeda jirsado Galmudug, maadama shantii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyay Senator laga soo doorto deeganada Galmudug.

Gogosha xalay ka dhacday huteel Jazeera ee magaalada Muqdisho oo ay dhigeen xubnaha Galmudug ayaa kusoo dhamaatay is-faham waa, waxaa muuqata in loo dareeray tartan adag, taasi oo xiiso u yeeli doonta doorashada 26 bishaan ka dhici doonta magaalada Muqdisho.

Loolanka Labada maamul ayaa waxay sidoo kale xiiso u yeeli doonta tartanka doorashada, ayada oo la kala ogaan doono saaxiibada ay leeyihiin labada dhinac maamul goboleed iyo saameyntooda, maadama labada madaxweyne ay qeyb ka yihiin ololaha doorashada ee kursigaan.