Qoor Qoor iyo R/Wasaare Rooble oo xalay heshiiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay yeeshay kulan gaar ah oo ay heshiis uga gaarayeen madmadow waayahaan soo kala dhex-galay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kulanka oo goordhaw u soo idlaaday Rooble iyo Qoor Qoor ayaa xogta aan helnay waxay sheegeysaa inay uga heshiiyeen xorguf siyaasadeed uu u dhaxeysay tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ayaa ka mid ahaa dhinacyadii isku howlay xalinta khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, balse waxaa la sheegay inuu dhinaca Farmaajo u janjeeray, taas oo Rooble ka careysiisay. 

Sidoo kale dhinacyo kala duwan isugu jiray siyaasiyiin iyo dad kale ayaa horay ugu dhaliilay Maadaxweyne Qoor Qoor in doorkiisii saxda ahaa uusan qaadan khilaafkaas, isla markaana dhexdhexaadinta Madaxweynaha iy Ra’iisul wasaaraha uusan u gelin hab dhex-dhexaad ah.

Waxaa guul-dareystay dadaaladii ay hor kacayeen Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ee lagu xalinayey khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo haatan gaaray heer laga quustay dhex-dhaxaadintooda, inkastoo Puntland ay ku dhawaaqday inay dhex-dhexaadin doonto.

Ilo ku dhaw xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in xalay meesha laga saaray mad-madowgii u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Qoor Qoor oo labadoodu ay xal ka gaareen.