Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed oo qarax miino lagu weeraray

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax culus oo lagu weeraray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo ka dhacay degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Baay.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan maamulka degmadaas, waxaana soo gaaray khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan qaraxa ah ay ku dhaawacmeen taliyaha NISA ee degmada Buurhakaba, Xuseen Dhuubow, guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmadaas Nuurow Ibraahim iyo askar kale oo la socotay, xilliga uu dhacayey weerarka qaraxa ah.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa sidoo kale gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Weli maamulka Koonfur Galbeed faah faahin kama bixin qaraxaas, balse mas’uuliyiinta ay dhaawacyada soo gaareen ayaa la dhigay goobaha caafimaadka ee degmadaasi.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, xilli muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed oo gaashanaya AMISOM ay howlgallo ka wadeen gobolada Baay & Bakool.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana inta badan ay ka fulisaa weeraro geysta khasaare dhimasho & dhaawac.