Sawirro: Madaxweyne Geelle oo maanta ku laabtay Jabuuti kadib wararkii laga faafiyey

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta kusoo laabtay Jabuuti, maalmo kadib markii la faafiyey warar sheegaya inuu xanuusan yahay, kuwaas oo dowladda ay beenisay.

Geelle oo ku maqnaa magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa waxaa garoonka Jabuuti kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiisha ciidamada. 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti ayaa qoraal u muuqda inuu ku socday dadka faafiyey wararkaas oo uu maanta soo dhigay twitter ku yiri “Hamiga aan ku hiigsaneyno horumarka dalkeena lama kulmi doono waxa tabar-darri ah. Waxaan madaxweynaheena u rajeyneynaa soo laabasho nabad ah.”

Toddobaadkii tageya ayaa waxaa aad ugu baahay baraha bulshada, warar sheegayey in madaxweyne Geelle “loola cararay dalka Faransiiska, oo xaaladdiisa caafimaad ay liidato.”

Hase yeeshee waxaa wararkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu wanaagsan yahay. Dhammaan wararka la wareejinayo ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwa ka fog xaqiiqda,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

“Wuxuu fasax qaatay dhowr maalmood, wuxuuna marayaa tijaabooyin caafimaad oo la xiriira nasasho la’aan oo ah inuusan ka tegin dalka xagaagan oo dhan,” ayuu ku daray.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Geelle uu dhowr maalmood kadib dib u billaabi doono shaqadiisa. “Ma jiraan wax gaar ah oo laga walaaco,” ayuu yiri.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo 73 jir ah ayaa Jabuuti xukumayey tan iyo 1999-kii, waxaana bishii June ee 2021 loo doortay muddo xileedkiisii shanaad.