Qoor Qoor oo looga digay qorshe uu ka rabo kursiga xildhibaan ee ay isku hayaan Mahad Salaad iyo Cali Yare

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ayaa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uga digay in shakhsi gaar ah uu u xiro kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP147.

Kursigan oo deegaan doorashadiisu yahay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in loo xiray Mahad Maxamed Salaad, oo ah Xildhibaanka hadda ku fadhiya kursigaasi.

“Waxaan rabaa xaqiiqo jirto oo run ah inaan ka hadlo, kurisgan #HOP147 maamulkiisa iyo taladiisa waxaa iska leh jufada la yiraahdo bah Ina Xasan, markii hoos loo sii degana jufooyin ka kooban ayaa iska leh maamulkiisa. Ninka la yiraahdo Qoor Qoor oo Madaxweynaha Galmudug ah asagu malahan, mana maamuli karo, shaqana kuma laha,” ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq.

Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq ayaa tilmaamay in 16-kii sano sano ee la soo dhaafay ay kursigaasi isku bedbedelayeen qoyska Maxamuud Salaad Tarabi iyo Mahad Maxamed Salaad, oo wiil iyo adeerkiis ah.

“Kursiga #HOP147, mar waxaa 8 sano haayay oo ku fadhiyay Maxamuud Salaad Tarabi, muddadaasi uu joogay si kasta haku jooggo waa laga soo gudbay, 8-dii sano ee ku xigtayna waxaan isla ognahay in 4-tii sano ee hore ay niman ganacsato ah ka boobeen dadkii iska lahaa, ayadoo dadka oo dhan ay taagan yihiin oo la leeyahay haloo tartamo ayay habeen madow la guureeyeen, 4-tii sano ee xigtayna markii aan Cadaado tagnay Dowaddii Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisii ayaa dhaqaale iyo farsamo, xoog iyo xeeladba ugu qaaday Mahad Maxamed Salaad,” ayuu yiri Suldaan Mahdi.

Waxa kaloo uu yiri “16-kaasi sano kursigaasi sooma dhaafin raaska ama qoyska Maxamuud Salaad Tarabi iyo Mahad Maxamed Salaad Tarabi, dadka uu kurisga ka dhaxeeyana waxay xaq u leeyihiin inay kurisga u tartamaan, waxay xaq u leeyihiin inay wax doortaan iyo in la doorto. Marka caafimaadka ummadana wuxuu ku jiraa inuu kursiga wareego oo lagu tartamo.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Waad ogtihiin kursigan wuxuu ka dhaxeeyaa Babaanshe, Suubiye iyo Ayaanle, bahdaas Ina Xasan la yiraahdo ayuu ka dhaxeeyaa, Cayr kaloo talo iyo tusaale ku leh ayaa jiro oo xaqna u leh inuu ku metelo. Marka kursigaas asaga ah in hebelaa loo xiray, Qoorqooraa xiray iyo Mahad Salaad baa loo xiray la yiraahdo waa dulmi, cid laga yeelanayana iyo cid laga aqbalaayana malaha.”

Suldaan Mahdi ayaa Madaxweyne Qoor Qoor uga digay inuu iska horkeeno dadka wada dhashay, shakhsi gaar ah oo kursigaasi uu u xirana aysan hadhow ka saari doonin.

“Waxaan rabaa in marka hore Ilaahay laga cabsado, dadkana aan fidno laga dhex abuurin. Madaxweyne Qoorqoor-na waxaan leenahay ganacsataa ii timid iyo hebelaa kursigaasi kula saaxiibay makaa bixinayso eeddiisa. Nin Muslim ah haddaad tahay ummadda ha isku dirin, dan dhaqaalena haka dhex raadinin,” ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq.

Suldaan Mahdi ayaa hoosta ka xariiqay inay magacyadooda sheegi doonaan ganacsatada uu sheegay inay kursigaasi u xaglinayaan dhanka Mahad Salaad, haddii aysan ka waan-toobin boobka ay ku hayaan.

“Ganacsatadaasi aan hadda ka hadlaynana haddii ayaga laftigoodu Ilaahay iyo ummaddiisa ka xishoon waayaan, waxay noqon doontaa inaan si toos ah uga hadalno oo magacyadooda Warbaahinta ka sheegno. Waxaan leenahay is qarinta aad is qarinaysaan ka joogga, dhabarkiina muuqdo waa loo jeedaa, waxaan aad ku jirtaana Ilaahay uga baqa. Guud ahaan ummadda kursigaasi iska lehna waxaan leeyahay kursigaasi haloo tartamo oo si cadaalad ah haloogu tartamo,” ayuu sii raaciyay Suldaan Mahdi.

Si kastaba ha-ahaatee Warbaahinta ayaa fahamsan in Guddiga Doorashada Galmudug ay doonayaan inay ka fogaadaan wax kasta oo eedeymo uga imaan kara maamulka kursigaasi, ha yeeshee uu cadaadis ka haysto dhanka Madaxtooyada Galmudug, taas oo liddi ku ah habraacyadii doorasho ee horaan lagu heshiiyay. Kursigan ayaana doorashadiisa la qaban doonnaa Axadda ina soo aaddan.