Qoor Qoor oo safar deg-deg ugu baxay Qaycad + Ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxwaynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta safar deg-deg ah ugu baxay aaga deegaanka Qaycad ee gobolka Mudug, oo ay saaka la wareegeen ciidamada isku dhafanka ah ee dowladda federaalka iyo Galmudug.

Qoor Qoor oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa safarkaan uu ku tegay furimaha dagaalka ku dhiiri-gelinaya ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo xoojinta howl-galada ka dhanka ah.

Madaxwxeynaha maamulka Galmudug ayaa kulamo la qaadan doona Saraakiisha kala duwan ee ciidamada, ayaga oo ka dhageysan doono warbixin ku aadan howl-galada ay ciidamada kula jiraan cadowga dalkeena.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha kala hadli doonaa Saraakiisha ciidamada dar-dar gelinta iyo ballaarinta howl-galada ay wadaan ciidamada ee argagixisada looga saarayo gobolka Mudug iyo dhamaan deegaanada Galmudug.

Qoor Qoor ayaa sii wadi doona safarkiisa ku aadan kormeerka howl-galada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, wuxuuna Qaycad uga sii gudbi doona sida uu qorshaha yahay deegaano kale oo isla gobolka Mudug ah, oo ciidamada ka wadaan howl-galo ka dhan ah Al-Shabaab.