QOOR QOOR oo shaaciyey xalka xiisada Villa Somalia, kadib kulankii Kate Foster

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha UK u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, Kate Foster.

Qoor Qoor iyo Kate Foster ayaa ka wada-hadlay xaaladihii u dambeeyey ee soo kordhay iyo arrimaha doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Galmudug.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay inay labada dhinac isla garteen inay tahay in la soo gebagebeeyo doorashada, una arkaan xalka kaliya ee looga gudbi karo xiisada taagan.

“Waxaan hoosta ka xariiqnay baahida deg-degga ah ee loo qabo xilligan in ay tahay in la soo gebagebeeyo doorashada ayna tahay xalka kaliya ee Soomaaliya,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Glamudug oo todobaadkan soo gaaray caasimada ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Villa Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu ka qeyb-geli doonaan shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka.

Xaaladda Soomaaliya ayaa haatan cakiran, waxayna kasii dartay markii uu soo laba kacleeyey khilaafka u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble.

Si kastaba, lama oga sida wax noqon doonaan, waxaase beesha caalamku cadaadis saareysaa madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo, si uu faraha ugala baxo doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: