QOOR QOOR oo wacad ku maray soo bandhigista dad dhaqaale ku bixiyay dagaalka…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo shalay heshiis bilow u ah gogol nabadeed dhex dhigay beelihii colaadda dadka badan lagu laayey ay ku dhex-martay waqooyiga gobolka Galgaduud, ayaa shaaciyay in la hayo xogta dadkii ka dambeeyay hurinta dagaalka.

Qoor-Qoor ayaa waxa uu sheegay in uusan iska dhicin dagaalka labada beelood ee uu ahaa mid ay ka dambeeyeen siyaasiyiin ka dhex raadinayay dano siyaasadeed, islamarkaana ay hay’addaha ammaanka hayaan caddeymaha dadkii ka shaqeeyay arrinkaasi, lana soo bandhigi doono.

“Waxa dhacay waan isla ognahay oo wax baa la wada fahmayaa oo wax iska dhacay keliya ma ahanee, wax laga shaqeynayay oo fursad laga dhex raadinayo oo dano siyaasadeed laga leeyahay oo aan ka soo baxeynin meesha ayay aheyd,” ayuu yiri Qoor-Qoor.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxyaabaha dhacay hay’addaha baarista kuli waa hayaan, meelo badan oo waxyaabaha dhacay kamid ah caddeyntooda ayaa la hayaa dadkii waxaas ka shaqeeyay, colaadda huriyay, xoolana ku bixiyay caddeyntooda waa la hayaa,”

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in waqtiga ku habboon lasoo bandhigi doono dadka uu sheegay inay ka dambeeyeen hurinta colaadda ay ku baxeen dadka badan.

“Waxaa la soo bandhigi doonnaa waqtiga ku habboon, haddii Ilaahay yiraahdo. Hay’addaha amniga ayaa soo bandhigi doona, loogana hari maayo,” ayuu yiri Mudane Qoor-Qoor.

Hadalka madaxweyne Qoor-Qoor ayaa imaanaya, iyada oo deegaanada Galmudug ay ku soo laab-laabteen dagaal beeleedyada, oo kan ugu dambeeyay uu galaaftay nolosha ku dhowaad 100 qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen dad intaas ka badan.