Madaxweyne Qoor Qoor oo war kasoo saaray doorashadii maanta ka dhacday…

Guriceel (Caasimada Online) – Golaha deegaanka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta guddoon cusub doortay, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaaladaas oo sidoo kale xarun ganacsi u ah dowlad goboleedka Galmudug.

Xubnaha golaha ayaa guddoomiye u doortay Faarax Cabdi Axmed, halka ku xigeenna loo doortay Shaafici Jaamac Cabdi oo labaduba ku soo baxay doorasho ka dhacday Guriceel.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Madaxweynaha Galmudug oo haatan ku sugan dalka Jabuuti ayaa ka hadlay doorashadaan, isaga oo u hambalyeeyay xubnaha la doortay.

“Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, wuxuu hambalyo u diray gudoomiyaha la doortay ee degmada Guriceel Farax Cabdi Ahmed iyo ku xigeenkiisa, Shafici Jamac Cabdi,” ayaa lagu yiri war qoraal ka soo baxay xafiiska Qoor Qoor.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku amaanay golaha deegaanka ee Guriceel, sida ay u wajaheen doorashadadaas oo deganaan ku soo dhammaatay.

“Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay golaha deegaanka cusub ee degmada Guricel , sida hufan oo ay uga qeyb qaateen doorashada gudoonka degmada , sidoo kalena bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug oo hirgelisay doorashada,” ayuu markale qoraalkan ku yiri Madaxweynaha  Galmudug.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in tallaabadan ay tahay mid loo qaaday xagga dimuquraaddiyadda iyo sidoo kale horumarinta dowladnimada.

Galmudug ayaa haatan ku jirta dhismaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka, walow magaalooyinka qaar ay ka taagan tahay xiisadda xoogan, sida degmada Caabudwaaq oo ay ka taagan xiisadda ka dhalatay sida loo maareeyeya golaha deegaanka ee degmadaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada: