Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ee garabka dowladda Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa waxa looga hadlay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb iyo sida uu ku bilaawdey.
Qoor Qoor ayaa dagaalka ku eedeeyey inay ka dambeeyaan hoggaanka Ahlu-Sunna.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in gaari ciidan oo ay leeyihiin hoggaanka Ahlu-Snna uu rasaas ku furay Kontorool ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda.
Sidoo kale war-saxaafeedka ayaa lagu sheegay in xarunta Inji oo ay degan yihiin Hoggaanka Ahlusunna ay maalmahaan ka socdaan arrimo xaalad abuur ah.
Ugu dambeyntii war saxaafadeedka ayaa Hoggaanka Ahlu Sunna loogu baaqay inay joojiyaan waxkasta oo dhalin karo amni darro, waxaana lagu xusay inaysan jirin dhimasho ka dhalatay dagaalkii Xalay.
Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska madaxweyne Qoor Qoor