Qoraal kasoo baxay Ilhaan Cumar oo ka careysiiyey wafdiga Biixi ee Washington

Washington (Caasimada Online) – Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada ee Congress-ka Mareykanka, gaar ahaan Guddiga Arrimaha Dibadda, ayaa qoraal kooban ka baahisay kulankii wafdiga madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii la yeeshay xubno ka mida Guddiga ay ka tirsan tahay.

Muuqaalka Wakiilada Congaress-ka Mareykanka ee la kulmay Wafdiga Somaliland ayey soo bandhigtay Ilhaan, iyagoo si yaab iyo taxadar leh u eegaya wafdiga Muuse Biixi oo ay kulan la lahaayeen, waxayna xaaladda kulanka ku sifeysay:

“Wajiga aad samayso marka asxaabtaada ay soo saari kari waayaan lahjadda wafdiga ajnabiga ah, ayna u dhaqmaan sidii iyaga oo maqalkoodu adag yahay, wax kastana aad isku daydo si aysan wax kuu dhaafin,” ayey Ilhaan ku tiri qoraalkeeda

Faallooyin badan oo qaar lagu eedeeyay, qaarka taageeraya oo qoraalkeeda laga bixiyey, kadib ayey Ilhaan farriin kale ku caddeysay in waxa ay fahmi waayeen ay ahayd ujeedkooda, balse ingiriiska ay ku hadlayeen uu fiicnaa. “Ingiriiskooda dhabtii wuxuu ahaa mid wanaagsan,” ayeyna mar kale tiri.

Qoraalka Ilhaan ayaa ka careysiiyay madaxda iyo taageerayaasha Somaliland oo u qaatay inay weerar ku ahayd wafdiga madaxweynaha Somaliland, waxayna arrintan noqotay mid si weyn looga doodo baraha bulshada.

Somaliland ayaa safarka biixi ee Washington ka faa’iiday in Senataro sare oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ay soo saareen sharci muhiim ah, oo isbeddel weyn ku sameyn kara habka Mareykanka ula macaamilo Somaliland.

Senatorada kala ah Chris Van Hollen (D-Md), Jim Risch (R-Idaho) iyo Mike Rounds (R-SD.) oo ka tirsan guddiga arrimaha dibedda ee Senate-ka ayaa soo saaray sharci loogu magac daray Somaliland Partnership Act (Xeerka Saaxiibtinimada Somaliland), kaasi oo Waaxad Arrimaha Dibedda Mareykana ku amraya inay Congress-ka warbixin ka siiso la-macaamilka Somaliland.