Doorashada 2022 ‘oo u ekaatay’ tii 2004 – Maxay noqon doontaa natiijadeeda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ka hadlay meelo ay isaga egyihiin doorashada baarlamaanka ee hadda socota iyo doorashadii 2004-tii, ee lagu dhisay baarlamankii soo doortay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.

Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in gaboodfalada ka dhacay doorashada hadda geba-gebeada ku dhow ay horseedi karaan arrimo cabsi leh, sida uu hadalka u dhigay.

Cumar Cabdirashiid oo arrinkan ka hadlaya waxaa uu yiri “Doorashada baarlamaanka 2022-ka waxa ay meelo badan uga egtahay doorashadii 2004-tii, xagga qaabka loo maray iyo xataa muddada. Haddii ka falcelinta ay noqotay soo bixitaankii maxaakiimta Islaamiga aheyd, maxay horseedi karaan tacadiyada sharaci darrada ah ee dhacay haddii aan wax laga qaban khadarteeda”.

Maxkamadihii Islaamiga ah si toos ah ugama dhalan doorashadii 2004, waxayna si kooban u jireen kahor, hase yeeshee waxay ay xoogeysteen kadib doorashadaas ayaga oo 2006 qabsaday Muqdisho iyo inta badan koonfurta Soomaaliya. 

Doorashada baarlamaanka ee hadda socota ayaa ah muddo socotay 6 bil, waxayna waqtigeeda kadib dhacday sanad iyo bil, oo ay suurta-gal tahay inay kasii badato.

 

Ma cadda waxa ka dhalan doona boobka doorashada, hase yeeshee waxaa jirta cabsi ah; in haddii doorashada madaxweynaha la boobo ama uu kusoo baxo madaxweyne Farmaajo ay horseedi karto dagaal iyo inay beelo badan hubka qaataan.