Xog: Xafiiska Rooble oo ka hortagay heshiis uu riixayey Farmaajo oo saameyn lahaa doorashada kuraasta Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baaqday ku dhowaaqista heshiis shaacin lahaa in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM la hoos geeyo taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Heshiiskaas ayaa waxaa aad gadaal uga riixayey xafiiska madaxweynaha xilka sii haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse waxaa dagaal u galay inuu baaqdo xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida aan xogta ku helnay. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kadib maalmo ay shirayeen dowladda iyo Midowga Afrika ayaa go’aan lagu gaaray shir la isugu iman lahaa shalay si loo shaaciyo heshiis dhigaya in AMISOM ay ka hoos shaqeyso taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, balse waxaa baaqashadiisa sabab u ahaa wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa baajinta shirka qiil uga dhigay oo uga faa’iideystay Taliyaha ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo safar deg deg ah ugu amba-baxay magaalada Baydhaba.

Sababta labada xafiis ee Farmaajo iyo Rooble ugu dagaalameen in heshiiskaasi ayaa salka ku hayso arrinta doorashada kuraasta taalla magaalada Garbahaarey. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xafiiska Rooble iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka shaqeeyey in dib loo dhigo shaacinta heshiiska, sababtoo ah haddii taliska AMISOM laga wareejiyo mas’uuliyadda wax dhaq-dhaqaaq ah ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM kama sameyn karaan halka ay ka dhacayso doorashada kuraasta 16-ka ah, oo Axmed Madoobe uu doonayo inay noqoto Ceelwaaq.

Haddii heshiiska lagu dhowaaqi lahaa, waxaa AMISOM oo la filayo inay qaadato magaca ATMIS qasab ku noqonaya inaysan qaadin tallaabo aysan ogolaansho uga haysan taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, maadaama ay xiliga kala guurka ka hoos shaqeynayaan SNA, waana taas sababta kooxda Farmaajo u dooneyso in lagu dhowaaqo heshiiska.

Si kastaba, waxaa ka hortagay in heshiiskaasi la shaaciyo wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo dhankooda iyo Axmed Madoobe faa’iido u arka baaqashada shaacinta heshiiska xil wareejinta, waxayna door bideen in uu baaqdo sidaasina ay ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM u sugi karaan amniga doorashada 16-ka kursi ee Garbahaareey, isla markaana aysan amar ugu baahneyn taliska ciidanka xoogga dalka inay Soomaaliyeed.

Jubaland ayaa maalmihii dhowaa wadday diyaar-garowga doorashada 16-ka kursi ee Gedo ayada oo soo saartay liiska kuraasta, waxaana la filayaa inay shaaciso in lagu qabanayo Ceelwaaq.

Hadallo ay dhowrkii maalmood ee uu shirka socday jeediyeen wasiir Cabdulqaadir iyo Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa aad u kala duwanaa, waxaana laga dheehanayay in labadoodaba ay aad u kala fog yihiin siyaasad ahaan iyo inaysanba u muuqan inay hal dowlad ka wada tirsan yihiin.

Dib u dhigista shaacinta heshiiska ayaa waxaa isku aragti ka ah oo gadaal ka riixaya xafiiska Roonle, AMISOM, Axmed Madoobe iyo Kenya.