Col. Xamdi: Waxaan shaqada ugu tegay Yaasiin Farey oo aysan jirin cid la xisaabtanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ay baahisay Taliyaha Hoggaanka baarista NISA Col. Xamdi Xasan Maxamuud ayey ku sheegtay inay shaqada ugu tagtay Taliyaha KMG ah ee Hey’adda NISA Yaasiin Fareey oo ay tilmaamtay inuusan ku shaqeyneyn nidaamka dalka u yaal, sidaasi darteedna ay xilka baneysay.

Xamdi Xasan ayaa qoraalka ay soo saartay waxa uu ku taariikheysan yahay March 4, 2022, hase ahaatee baaris ay sameysay Caasimada Online ayey ku ogaatay in Col. Xamdi Xasan ay shaqeyneysay markii ay soo baxaysay warqada xil ka qaadista oo ku beegneyd Talaadadii. 

Sida aan ogaanay, Xamdi ayaa markii Talaadada xilka laga qaaday waxay sameysay warqad ay ku taariikheysay March 4, si ay uga dhigto inay ayada xilka ka degtay.  

“Waxaan halkaan kugu soo gudbinayaa in aan ka tegay shaqada aan qaranka u haayay maanta oo taariikhda tahay 04-03-2022, maadaama taliska ku-simaha hay’adda (Yaasiin Fareey) habka ay ugu shaqeynayaan shacabka aan waafaqsaneyn nidaamka iyo sharciga dalka u yaallo, sidaas darteed waxaan go’aansaday in aan ummada Soomaaliyeed oo 13 sano u shaqeynayay ay ku tagrifalayaan maxkamadda iyo NISA aanan qeyb ka noqonin maadaama cid la xisaabtameysa aysan jirin balse aniga iyo dhowr qof oo ila mid ah nahay marqaatiga nool, sida ugu xadgudbaan dadka rayidka,” ayey ku tiri qoraalkeeda Col. Xamdi Xasan.

Markii ay soo shaac baxday xilka qaadista iyo isku shaan dheyn uu sameeyay Yaasiin Fareey ayaa waxaa soo fara-geliyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo habeen horey u yeeray Yaasiin Fareey, balse kulankaasi ayaa noqday mid aan wax natiijo ah kasoo bixin oo lagu kala kacay.

Kulanka oo la sheegay inuu dhacay habeen hore ayaa ra’iisul wasaaraha uu kala hadlay Yaasiin Fareey sababta xil ka qaadista dhalisay, balse kama helin jawaab macquul ah.

Xilka laga qaaday Col. Xamdi ayaa waxaa loo magacaabay Ibraahim Shiikhaal oo noqday Taliyaha Hoggaanka Baarista NISA, Taliyaha ilaalada shacabka ayaa waxaa loo magacaabay Iidoow halka Axmed Aadan loo magacaabay taliyaha ilaalada gaarka.

Col. Xamdi iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxay yihiin beel wadaag, waxaana Xamdi ay ka mid tahay xaasaska u dhaxdo xildhibaan Jacfar oo ah guddoomiyaha degmada Dayniile.