Somaliland oo daan-daansi ku tilmaamtay markabkii shalay Muqdisho keenay…

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga hadashay saanad milatari oo uu Shiinaha ugu deeqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo ay shalay la wareegtay wasaaradda Gaashaandhigga Somalia.

Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile oo qoraal kooban soo saaray ayaa su’aal ka keenay xilliga lagu soo aadiyey agabka milatari ee Shiinuhu siiyey Soomaaliya, kaas oo kusoo beegmay, iyada oo Muuse Biixi booqasho ku joogo Mareykan.

Bile ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrintan ay tahay daandaansi cad oo la doonayo in lagu carqaladeeyo xiriirka Somaliland, Taiwan iyo Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Qalabka millatari ee Shiinuhu u diray ciidanka Soomaaliya, xilli uu Madaxweynaha Somaliland booqasho ku joogo dalka Maraykanka, ma aha wax iska yimi, balse waa daandaansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland ee Taiwan iyo xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka.” ayuu yiri agaasimaha guud ee madaxwtooyada Somaliland.

Dhanka kale wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo lagu wareejiyey qalabkan ayaa iyaduna horey u sheegtay in taageeradan ay timid wakhti munaasib ah, marka loo eego dagaalka culus ee ay dawladda federaalka ah ee Soomaaliya kula jirta kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay agabkan milatari u adeegsan doonto dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

“Waxan halkaan kula wareegayna kaalmo militiri oo aad iyo aad muhiim noogu ah in aan helno si aan u kordhino dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, Waxa aan uga mahad-celinaya dawladda iyo shacabka Shiinaha oo noogu deeqay taageradan, labada dal waxaa ka dhaxeeya xiriir walaalnimo oo soo jireen ah”, ayuu yiri wasiir Cabduqadir Maxamed Nuur.

Si kastaba, Somaliland iyo Soomaaliya ayaa marar badan hawada isku mariyey hadal kul-kulul, waxayna xiisaddu ka sii dartay markii ay xukuumadda Hargeysa si toos ah xiriir ula yeelatay Taiwan, taas oo ay si weyn uga horyimaadeen Soomaaliya iyo sidoo kale Shiinaha.