Video: Jeesow oo shaaciyey arrin uu sameeyey markii la dhiibay QALBI-DHAGAX

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xubnaha cusub ee dib loo doortay ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay in kiiska dhiibistii Cabdikariin Qalbi-dhagax uu ka gaabsaday oo miiska hoostiisa uu galay, maalmihii la is dhaafsanaayey doodaha culus ee ku soobsanaa dhiibistii muwaadinkaas.

Xildhibaan Jeesow oo ka mid ahaa masuuliyiin xildhibaano u badan oo lagu casuumay munaasabad loogu dabaal-degaayey dib u soo doorashada Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene ayaa u jawaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo Jeesow ku tilmaamay ninkii ugu cod-karsanaa xildhibaanadii Farmaajo taageersanaa.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Cabdiraxamaan Odawaa uu doodo adag la yimid markii Itoobiya loo dhiibay Cabdikaariin Qalbidhagax oo ururka ONLF ka tirsan, balse uu ka Daahir ahaan doodahaas ka dhuuma jiray.

“Sanadihii lasoo dhaafay baarlamaanku wuxuu ahaa laba group, waxaan Cabdiraxmaan Odawaa ku xasuustaa markii la dhiibay Qalbidhagax inuu baarlamaanka u noqday Sheekh wacdiya, anigana waan ka dhuuntay oo kuraasta hoostooda ayaan ka galay,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale Jeesow ayaa qiray in hormuudkii baarlamaanka ay ahaayeen xubnihii mucaaradka ahaa, isagoo xildhibaanada cusub ka codsaday in kala aragti duwanaantii hore mid lamid ah aysan ku soo noqon baarlamaanka 11-aad.

Dhanka kale xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in Jeesow uu ka nasiib badan yahay xubnihii taageersanaa nidaamka Farmaajo oo intooda badan doorashadaan ku haray, kuraastiina loo soo diiday.

“Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow wuxuu ahaa muxaafiska ninka ugu codkarsan, laakiin waxaan ku faraxsanahay in ragii muxaafidka la’ahaa uu isaga bis ka soo baxay oo intii kale ay doorashada ku hareen, taasina waxay ku tusee in Jeesow uu nin adag yahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

Hoos ka daawo