Qoraal muhim ah: Baraha Internet-ka & ceebeynta gabdhaha Soomaaliyeed

Isticmaalka aan wanaagsaneyn ee ay dhallinyarada Soomaalida qaarkood ee Shilindoonka ahi ku sameynayaan Mareegaha Online-ka (Websites) ee ay sameysteen waxaa maalmahaan si baahansan ugu soo kordhay meel-ka-dhac wax laga wada xumaado ah oo lagu sameynayo gabdhaheenna Soomaaliyeed, islamarkaana lagu tumanayo sharaftooda, iyadoo loo saarinayo muuqaallo aan wanaagsaneyn oo ay ka dhex muuqdaan dad aan sinjigooduba Soomaali ahayn, islamarkaana lagu soo qorayo ereyo soo jiidan kara dadka si ay gujiyaan, kuwaasi oo ay ka mid tahay “Daawo gabar Soomaaliyeed oo fal dhaqan xumo ah ku kacday, gabar Soomaaliyeed oo nin ajnabiya la tumatay,” iyo waliba hal-ku-dhigyo kaloo badan oo wada been abuur ah.

Waxaan ugu baaqayaa shaqsiyaadkaan Soomaalida ah ee ficilkaan xun joogteeyey in ay isaga fogaadaan, oo ay joojiyaan sharaf dilka warbaahinta loo adeegsanayo oo ay sida bareerka ah ugu sameynayaan gabdhaha Soomaaliyeed ee qiimaha leh. Siday aniga ila tahayna walaalkayga howshaan ku jirow isaga daa dhowrkaan arrimood:

  • Gabdhaha aad  xumaanta aysan falin ku sheegayso waxaa ka mid ah: Walaashaa, hooyadaa, iyo guud ahaan inta aad dumar ehel wadaagtaan, maadaama ay magaca Soomaali ka siman yihiin, waana kugu ceeb iyo liidnaan in aad intaasiba xumaan ku sifeyso, kuna cambaarayso.
  • Dhanka kale, waa kugu dambi in aad baahiso muuqaallada aan wanaagsaneyn in ay daawadaan bulshada Soomaalida oo ah dad musliimiin ah.
  • Sidoo kale, maadaama aad warbaahin ay bulshadu u siman tahay ku gudbinaysid, muuqaallada qaarkood ma ahan kuwo ku habboon in ay daawadaan carruurta iyo dadka qaarkiis.
  • Dhaqaalaha yar ee kugu qasbay in aad falkaan sameyso ma ahan mid xalaal ah oo aad ku kasbatay wadiiqo wanaagsan.

Guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee isticmaala Internet-ka waxaan iyagana ugu baaqayaa in aysan daawan ama rumeynin haddii ay arkaan ciwaannada ku saabsan sheekooyinkaan been abuurka ah. Sidoo kale kuwa adeegsada baraha bulshada ee Facebook iyo Twitter-ka in ay iska xannibaan (Block) ama ay dacweeyaan (Report or as spam) dadka soo gudbiya (share) waxyaabahaan aan fiicneyn ama xun-xun.

By Maxamed Faarax Talyaani