Kaalinta Idaacadda Shabelle iyo Sharaf Dhaca Saxaafiyiinta Muqdisho

Waxaan ahay sida ay ila tahay nin saxafi ah Mudo dheerna kasoo shaqeeyay Warbaahino kala duwan oo isugu Jira kuwa leyska maqlo, iyo Kuwa La Qoraba, taasina waxaa ay ka dhigan tahay in anigu aan waxbadan ka ogahay xaalada saxafiyiinta ka howlgala Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya wallow iminka aan dalka ka maqanahay saxaafadiina aan sidii hore uga shaqeyn.

Ma aanan jecleen Indhawaalaba in aan wax ka sheego arimaha Saxafiyiinta ka howlgala Somaliya Gaar ahaan magaalada muqdisho wallow ay dhibaatoyin badan darsaan dhanka kalena aniga iyo dadka ila fakerka ah ay aamin sanyihiin in qeyb iyuga ay ka yihiin dhibaatooyinkaas saxaafadu ay la kulmaan.

In aan qaato qalin aniga oo raba in aan wax ka iraahdo xaaladihii ugu danbeeyay ee saxafiyiinta Muqdisho waxaa igu kalifay kadib markii aan arkay qoraal uu kusoo daabacay Faarax Blue Aalada facebook, kaas oo ah sxb aan Mihnad wadaag Nahay waxaana uu ka hadlayay ama qoraalkiisu uu ahaa sidan:-

“Dood Wariyaasha u furan – Milkiilaha Idaacadda Shabelle wuxuu leeyahay waxaa Idaacada laga dhacay 300,000 oo Dollar waa laca badan.

1. Maxaa lacag intaas la eg Idaacadda dhex dhigay? ma bangiga Keydkaa?

2. Markii la yiri guriga dowladda ka baxa maxay lacagtan badan ugu kireysan waayeen guri bishii kiradiisu tahay 1,000 Dollar oo kaliya?

3. Xagee lacagtan laga keenay markii hore, ma Idaacad Xamar ku taal ayaa hanti intaas la eg soo xareyn karta?

Dowladda dheesha ha laga dhaafo!” 

Qoraalkan oo aad iisoo jiitay ayaa igu kalifay in aan Aqriyo bal Fikradaha Bulshada iyo saxafiyiinta ee Qoraalkan aniga oo eegay Commentiga waxaana halkaasi Durbadiiba iiga Muuqday waxbadan oo qaarkood ay qalbigeyga ka guuxayeen, dabcan hadii la soo koobona hadafka qoraaladu dhamaan waxa uu ahaa in dadku ay u arkayeen shabelle warbahinta kaliya ee aanan u qalmin matalida saxafiyiinta in ay tahay .

Hadafkeyga ma aha in aan si Qayaali ah u dhaliilo qolo ama shaqsi ee waxaa muhiim ah in aan Wax ka iraahdo Fikradeyda aan Xaqa u leeyahay Aniga oo dhanka kalena aysan iga aheyn difaacid aan usameynayo dowladda Madaxweyne Xasan sheikh uu hogaamiyo oo aan Ayada Qudheedu ku Dhaliilsanahay dayacaada saxafiyiinta.

Mudo sanado ah ayaa dalku waxa uu wajahayay xaalado Cakiran hadii aan doobirka ku eego dhanka saxafiyiinta oo ah Maqsadkeyguna rag badan ayaa la dilay kuwo kalena waa la dhaawacay iyadoo ay intaasi oo leysku daray in ka badana ay dalka isaga carareen, dilalka iyo beegsigaas qofba qoluu ku tilmaamaa ayada oo ay iska indha tiraan dadku in saxafiyiinta qudhoodu ay qeyb ka noqon karaan.

Haa.! dabcan anigu waxaan aaminsanahay in saxafiyiintu qeyb ay ka noqon karaan dhibaatada ku dhaceysa ayaga, mana ula jeedo  dhaxdooda ayaa is dila, ee waxaan rabaa in aan tilmaamo in ayagu ay sabab lagu dilo keenaan mararka qaar, xiliyana ayba ku dhacdo dhibaato aan qasdiga ayuga aheyn, inkastoo sidoo kale ay saxantahay Aaminsanaanta ah in saxaafadu indho u yihiin bulshada ayna jiri karaan rag doonaya in indhaha ay tiraan Bulshada.

Hadaan wax yar dul istaago Ujeedkeyga qormadan idaacada shabelle waxa ay ka mid aheyd idaacadihii ugu shacbiyada badnaa ee dalka lkn anigu waxaan aaminsanahay in shacbiyadaasi ay heshay aysan uga fa’ideysan Gudbinta Fikrad Iijaabi ah (Fikrad sax ah) lkn ay sameysay taas badalkeeda.

Magacii ay sameysay waxa uu kalifay in maamulku siduu doono ka dhigto shaqaalaha oo ay awoodbeelaan ragii rugcadaaga ahaa ee aan Ciyaarta Qaadan Taasina waxa ay keentay in ay isaga tagaan ka shaqeynteeda ama dalka oo Idil.

Balse taas badalkeeda waxaa yimid dhalinyaro aqoon yar oo dantoodu tahay sideen magac ku yeeshaa maamulkuna kaga fa’ideystay sideen dhaqaale ku kasbaa,! asiga oo wado kasta u maray dhaqaalo raadintaas, eegid la’aan xaquuqda saxafiga iyo Waxyaabaha ka iman kara marka uu sheego waxayaabahaasi dhaqaalaha lagu doonayo.

Inta aan ku safrayay meelo ka mid ah wadamadan afrika ayaa dad badan oo aan la kulmay waxa ay iweydiyeen saxafi miyaad ahaan jirtay ka shaqeeya muqdisho.? haa marka aan ku iraahdana falcelinta ugu badani waxa ay aheyd in la caayo ama la ijaafeeyo raga saaxafada ah ee muqdisha jooga taas oo igu kaliftay in marar badan aan ka baqdo sheegashada saxafinimada aniga oo ilaashana sumcadeyda shaqsiyadeed, maadaama dadku wanaag badan aysan ka maqal qaab shaqadooda sanadihii ugu danbeeyay.

Ceebtaasi oo dhan ee ku dhacday saxaafada yaa u sabab ah?

Hadaan anigu isku dayo waxaa u sabab ah all-maamulada Idaacadaha iyo qeybaha kale ee warbaahineed  lkn ragu isku danbi ma aha ee anigu waxey ila muqataa inta kale oo leysku geeyay waxaa uga shar iyo ceeb keenis badan saxaafadu, “warbaahinta shabelle” oo raga iska leh ay ku takri falaan shaqaalahooda iyo Qawaaniinta Saxaafada mid kalena warkii daa.

Run ahaantii maanan ugu talo galin in qoral intan la eg aan qoro ee Qalinka ayaa iga Yara Fakaday lkn waxaan isku dayi doonaa Qormooyin ka hadlaya Guud ahaan saxaafada Somaliya Gaar ahaan Shabelle iyo warbaahinta la midka ah in aan soo diyaarin doono hadii waqtiga ii samaxo lkn aan dib idin xasuusiyo maqaal dad badan ay amaaneen oo labo sano ka hor uu ka diyaariyay Saaxiibkey Abdikamil Yusuf Mohamud Idaacadda Shabelle kaas oo aan qormadeyda kusoo qatimayo.

W/Q Abdifatah Mohamud Ahmed “Abaal” 

Abaalsom@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online