Qoraalka Midowga Afrika oo lagu macneeyey ‘mid lagu sagootinayo’ danjire Madeira

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay qoraalkii Midowga Afrika uu ku diiday go’aanka uu ra’iisul wasaare Rooble dalka uga eryey Danjire Franssico Madeira ayaa ku macneeyey mid lagu sagootinayo ergeyga.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, oo ku gacan sayraya amarka ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa taas beddelkeeda sheegay inay qadanayaan go’aanka madaxweyne Farmaajo ee ah inaan dalka laga eryin Danjire Francisco Madeira, sidaas darteedna uu sii joogayo.

Hadallo naxariis leh oo lagu sagootinayo Amb. Madeira ayaa meesha ka muuqda, sida dhaqanka diplomaasiyadda lagu yaqaano danjire lumiyey kalsoonidii dalkii uu ka shaqaynayay oo weliba ku hor ceeboobay Lana siiyey PNG sii joogis uma taallo meesha,” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.

Madeira qof aan dalkaan laga jecleyn ayuu sii ahaan doonaa si kastoo Farmaajo u jeclaado,” ayu uku daray. 

Aqoonyahanno kale oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay inay suurta-gal tahay in qoraalka Moussa Faki Mahamat uu yahay mid loogu sharaf dhowrayo Madeira, balse ay xigi doonta is-casilaad ka timaada ergeyga.

Wax kasta oo ay ahaataba, Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya oo tixraaceyso warqadda tixraaceedu yahay Ref. OPM/0194/04/2022 ee ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ku amartay inay degenaanshaha kala noqoto Danjire Francisco Madeira islamarkaasna aan dib dambe loo siin waraaqaha dal-ku-galka ah.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha fartay inay go’aankaan ku wargeliso dhammaan cidda ay qusayso in Danjire Francisco Madeira dalka la keeni karin, waxaana la faray hay’adaha amniga, gaar ahaan kuwa ka hawlgala Garoonka Aden Cadde in Danjire Madeira aanu soo geli karin dalka maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku wargelisay islamarkaasna fartay Hey’adda socdaalka iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde in si ku meel gaar ah loo xiray dhammaan hawlahii terminal-ka MovCon ilaa iyo amar dambe laga bilaabo 10/04/2022.