Maxaa kasoo baxay codkii kalsoonida ee loo qaaday ra’iisul wasaaraha Pakistan?

Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii Pakistan Imran Khan ayaa xilka laga qaaday saacadihii hore ee Axadda maanta ah, kadib markii uu lumiyey codka kalsoonida baarlamanka, kadib toddobaad qalalaase siyaasadeed ah.

Ra’iisul Wasaare cusub ayaa la dooran doonaa Isniinta, ayada oo hoggaamiyaha xisbiga Pakistan Muslim League-N (PML-N) Shehbaz Sharif la hubo inuu hoggaamin doono shacabka 220-ka milyan ah ee dalkan ku hubeysan hubka Nukliyeerka. 

Ma jiro ra’iisul wasaare muddo xileedkiisa dhameystay taariikhda Pakistan, hase yeeshee Khan ayaa ah kii ugu horreeyey ee xilka ku waaya codka kalsoonida. 

Taageerayaasha mucaaradka ayaa saacadihii hore ee Axadda maanta ah isugu soo baxay waddooyinka ayaga oo sita calanka dalka iyo kuwa xisbiyada, islamarkaana dabbaal degaya.

Ciidan badan ayaa lasoo dhoobay waddooyinka caasimadda, hase yeeshee lama soo werin wax dhibaato ah. 

Sii-hayaha xilka afhayeenka baarlamanka Ayaz Sadiq ayaa sheegay in 174 sharci-dejiye ay taageereen mooshinka xil ka-qaadista, “sidaas darteedna codkii kalsooni kala noqoshada uu guuleystay.” 

Khan oo 69 jir ah kana maqnaa xarunta baalamanka ayaa lumiyey aqlabiyaddii baarlamanka ka kooban 342-ka xubnood kadib markii ay ka go’een qaar ka mid ah saaxiibadiisa dowladda wadaagga, iyo xitaa xubno ka mid ah xisbigiisa, sidaas darteedna mucaaradka ayaa u baahnaa kaliya 172 cod si ay xilka uga tuuraan.

Waxa uu isku dayey wax kasta oo uu xukunka kusii joogi karo — oo ay ku jirto inuu kala diray baarlamanka kuna baaqay doorasho deg deg ah — hase yeeshee Maxkamadda Sare ayaa ficilladiisa ku qeexday kuwa sharci darro ah, waxayna amartay in golaha qaranka ay isku yimaadaan oo ay codeeyaan. 

“Waan dhayi doonnaa dhaawacyada qarankan,” ayuu yiri Shehbaz Sharif waxyar kadib markii natiijada lagu dhaawaqay. 

Khan ayaa ku adkeystay inuu yahay dhibanaha dhirqool “isbeddel talis” oo uu ku lug leeyahay Mareykanka.

Waxa uu sheegay in xisbiyada PML-N iyo PPP, oo muddo xifaaltami jiray balse isku geeyey awooddooda si ay xilka uga qaadaan – ay kala shaqeeyeen Washington in la keeno codka kalsoonida, sababo la xiriira inuu ka horyimid siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka ee ku wajahan dalalka Islaamka sida Iraq iyo Afghanistan. 

Washington waa ay iska fogeysay inay wax lug ah ku leedahay siyaasadda gudaha Pakistan.