Qorshaha Bin Salman iyo Bin Zayed ee Israel oo ku qasbi kara inay la heshiiyaan Qatar

Riyadh (Caasimada Online) – Dalalka Khaliijka ayaa in muddo ah wada qorshe ay ku qabanayaan shir weyne caalami ah, oo ay si rasmi ah ugu dhowaaqayaan inay xiriir diblomaasiyeed oo rasmi ah la yeelanayaan Israel, waxaa sidaas weriyey warbaahinta Middle East Eye iyo Alkhaleej.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin dhammaan dalalka doonaya inay sidan sameeyaan, haddana waxaa la ogyahay yahay inay hormuud ka yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Bahrain.

Saddexdan dal ayaa hadda si hoose oo aan shaacsaneyn ula xiriira Yahuudda.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa bilihii ugu dambeeyey ogolaanayey in fallanqeeyayaasha siyaasadeed ee dalkiisa ay si shaacsan u difaacaan Israel.

Xitaa waxay difaacayeen weerarkii ugu dambeeyey ee Israel ay ku qaadday Gaza oo lagu xasuuqa 32 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 8 isku qoys ah.

Hadafka ugu dambeeya ee Bin Salmaan iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo ah dhaxal-sugaha Imaaradda Abu Dhabi ayaa ah in la beddelo ra’yul caamka shacabka Carabta, ka hor ku dhowaaqista go’aanka ay xiriirka ula yeelanayaan Israel.

Tani waxay sidoo kale ku qasbi kartaa inay la heshiiyaan Qatar oo muddo laba sano ah ay ku hayaan xanibaad.

Mohamed bin Salmaan iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa garowsan awoodda warbaahineed ee Qatar iyo taleefishinkeeda Aljazeera oo qorshahooda ka bixin kara argti taban.

Si kastaba, ma cadda haddii Qatar ay sidaas ogolaan doonto, xitaa haddii ay la heshiiyaan. Qatar, Turkey iyo Iran waa saddex ka mid ah dalalka Islaamka ee qadiyadda Falastiiniyiinta ay ka go’an tahay.