Qorshaha dalalka Islaamka ee Gaza oo la shaaciyey (Aqriso)

Jeddah (Caasimada Online) – Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si rasmi ah Sabtida maanta ah u ansixiyay soo-jeedin kasoo baxday Jaamacadda Carabta oo looga soo horjeedo qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee la wareegidda Gaza iyo barakicinta dadka halkaasi ku nool, waxaana ururku bulshada caalamka ugu baaqay inay taageeraan hindisaha gobolka.

Go’aankan, oo ay qaateen 57-ka dal ee xubnaha ka ah OIC, ayaa yimid kadib shir degdeg ah oo lagu qabtay magaalada Jeddah ee Sacuudiga, saddex maalmood un kadib markii Jaamacadda Carabtu qorshahaas ku meel marisay shir madaxeed lagu qabtay magaalada Qaahira.

Hindisaha ay soo diyaarisay dalka Masar, oo ah mid looga jawaabayo qorshaha Trump oo si ballaaran loo cambaareeyay, ayaa soo jeedinaya in dib loo dhiso Marinka Gaza iyadoo maamulka mustaqbalka ee deegaanka lagu wareejinayo Maamulka Falastiin ee kooxda Fatax ay hogaamiso.

“OIC waxay si rasmi ah u qaadatay qorshaha dib u soo kabashada iyo dib-u-dhiska degdegga ah ee Gaza,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka.

Ururkan oo matala dalalka Islaamka ayaa sidoo kale ku boorriyey bulshada caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah ee maalgelinta inay si dhaqso ah u bixiyaan taageerada dhaqaale iyo midda farsamo ee loo baahan yahay.

Trump ayaa caro weyn oo caalami ah kiciyay markii uu sheegay inuu doonayo in Maraykanku uu “la wareego” Gaza, uuna ka dhigo “Riviera-da Bariga Dhexe,” isagoo isla markaana soo jeediyay in dadka Falastiiniyiinta lagu qasbo inay u guuraan Masar ama Jordan.

Masar oo fileysa taageero caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa soo dhoweeyay taageerada OIC, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in qorshahan uu heli doono taageero caalami ah, gaar ahaan Midowga Yurub iyo quwadaha kale ee waaweyn sida Japan, Ruushka, Shiinaha iyo Maraykanka.

“Tallaabada xigta waa in qorshuhu noqdo mid caalami ah oo ay ansixiyaan Midowga Yurub iyo dhinacyo kale oo muhiim ah,” ayuu yiri Abdelatty, isagoo intaa ku daray inay xiriir joogto ah la leeyihiin dhammaan dhinacyada muhiimka ah, oo uu ku jiro Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, hindisaha Masar, oo aan wax door ah u qoondaynin ururka Hamas oo hadda gacanta ku haya Gaza, ayaa horey waxaa u diiday dalalka Maraykanka iyo Israa’iil labaduba.

“Qorshaha Masar ma buuxinayo filashada Washington,” ayay Khamiistii weriyayaasha u sheegtay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Tammy Bruce.

Wakiilka Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa isagu muujiyay aragti ka dabacsan, isagoo ku tilmaamay soojeedinta Masar inay tahay “tallaabo wanaagsan oo ay Masaaridu qaadayaan niyad wanaag.”

Rabha Seif Allam oo ka tirsan Xarunta Al-Ahram ee Daraasaadka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda ee Qaahira ayaa sheegtay in qorshaha Trump uu mideeyay dalalka Carabta oo hadda ku mideysan diidmada qorshahaasi.

“Masar waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay isbahaysi ballaaran uga abuuri lahayd taageerada qorshaheeda, iyadoo si adag uga soo horjeedda barakicinta dadka Falastiiniyiinta ee Gaza,” ayay tiri.