Qorshaha DENI ee haddii looga adkaado doorashada madaxweyne oo la shaaciyey

Garowe (Caasimada online) – Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in madaxweynaha maamulkaas Siciid Cabdillaahi Deni, uusan iska casilayn madaxtinnimada Puntland haddii soo waayo madaxtinnimada Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo fagaare ka hadlayey ayaa sheegay in haddii juu kursigaas waayo uu ahaanayo madaxweynaha Puntland.

“Madaxweynuhu musharrax weeye waa tartamayaa, isagoo madaxweyne ah ayuu tartamayaa, haddii uu guulaysto waa alxamdulilaah dadka iyo dalka ayuu wax u tarayaa, haddii qadarta Ilaahay dhacdo madaxweynaha Puntland ayuu ahaanayaa,” ayuu yiri wasiir Xasan Shire.

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, la-taliyaha amniga Deni, ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin dano siyaasadeed oo ka hor istaagaya madaxweynaha Puntland in uu isku soo sharaxo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

“Dastuuriyan ma jirto dano is-diidaya oo ka dhalanaya in madaxweynaha Puntland isku soo sharaxo hogaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed oo soo noqdey agaasimaha hay’adda PPMFT-ta.

Cali Xaaji Warsame, wasiirkii hore waxbashada Puntland, ayaa dhankiisa wuxuu ka dhawaajiyey in ay Deni kala xaajoodeen qadiyaddan “balse aysan wali helin jawaab ayna ka quusan in uu dalka u turo”.

“Illaa haatan wax jawaab ah kama aanan helin. Laakiin kama quusan. Waxaan rajeynaynaa in ugu yaraan uu wareejin doono maamulka si howlaha dowladda u sii socdaan hadduu doono yuusan iska casilin xilka,” ayuu xusay.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Deni ku dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan madaxtinnimada Soomaaliya doorashada soo aaddan, isaga oo sheegay in ay ka go’an tahay beddelidda maamulka hadda jira.