Badbaado Qaran iyo BF – Xaadoole oo xisaabta buuxiyay

Jowhar (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka Dowladda ee ku biiraya Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli sii socda Colonel Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole ayaa ku guuleystay doorashadii Kursiga HOP#106 ee shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cismaan Xaadoole ayaa ka adkaaday saddex xubnood oo tartanka kula jirtay. Korneylkan ayaa codeynta wareegii hore helay 56 cod taasoo meesha ka saartay in loo baahdo wareeg kale oo doorasho. Wuxuu ka adkaaday Bashiir Maxamed Yuusuf, Fowsiya Shiikh Cali Maxamuud, iyo Yaxye Abuukar Aadan.

Kursigaan waxaa horey ugu fadhisay xildhibaan Mino Xasan Shibis taasoo aan sanadkaan usoo istaagin tartanka. Xaadoole waa xubin ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Bishii April ee sanadkii hore ayuu magaciisa qabsaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kadib markii uu ciidan xooggan soo geliyey qeybta woqooyi ee Magaalada.

Xilligaas madaxweyne Farmaajo ayaa ku darsaday 2 sano oo aan sharci aheyn mudadiisa xil-heynta. Xaadoole wuxuu xilligaas saxaafadda kula hadlay isgoyska Mirinaayo, wuxuu sheegay inuu furinta uga soo baxay inuu difaaco sharciga dalka.

“Laba sano oo 20 sano dhasha inaan diido ayaan halkaan u imid,” ayaa kamid ahaa hadalladii laga diiwaan geliyey sarkaalkan.

Dagaalkii ugu cuslaa ee muddo kororsiga looga soo horjeeday ayuu hoggaamiyey Xaadoole, isagoo difaac u noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow oo halkaas daganaa.

Korneel Xaadoole wuxuu qaatay kursi ka dhaxeeyey afar jufo. Waxaa la aaminsan yahay inuu garab fiican ka helay hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Marka la joogo gobolka Shabeelaha Dhexe, Xaadoole wuxuu ku jiraa saraakiisha lagu xurmeeyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Dadka yaqaana waxay ku sheegaan nin daacad u ahaa shaqada ciidanimada, laakiin tan iyo markii ay bilaabatay inay askarta ku milmaan siyaasadda dalka oo aheyd dabeyl la socotay nidaamka madaxweyne Farmaajo, wuxuu Xaadoole ku jiray saraakiisha lasoo wariyey inuu galay damaca siyaasadda.

Mashruucii Badbaado Qaran oo si weyn u saaciday magaciisa ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha ku dhiira geliyey inuu xildhibaan soo doonto.

Hal sano kadib dagaalkii muddo kororsiga, waxaa golaha shacabka ee baarlamanka 11-aad soo xaadiray intii badneyd saraakiishii isaga hortimid muddo kororsiga, si gaar ah xubnihii la baxay Badbaado Qaran.

Waxaad Baarlamaanka 11-aad ku arkeysaa Maxamed Abuukar Jacfar, Saadaq Joon iyo Xaadoole halka siyaasiyiinta Muuse Suudi Yalaxow, Mahad Maxamed Salaad, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo qaar kale oo mashruucaas tiir dhexaad u ahaa iyaguna ay golaha joogaan.

Hay’adda sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA ayaa iyaduna dhinaca kale xubno badan kusoo dartay baarlamanka 11-aad.

Inkastoo taliyihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir weli lagu dhagan yahay, haddana qaar badan oo kamid ah ciidankii dharcadka ahaa ee NISA ayaa ku biiray baarlamanka 11-aad.

Sanadkaan waa Baarlamanka waa askar, xildhibaano kuraas loo soo boobay, kuwa lagu soo xushay inay rabaayad yihiin, qaar guulwadeynimadoodii hore ay caawisay iyo kaadiriintii hore oo qaar ay miisaankooda kusoo laabteen.

Waxaa jira walaac ku saabsan in baarlamaankan noqon karo kii ugu liitay ee dalka soo maray abid, waxayna dadka walaacaan qaba daliilsanayaan tayada dadka iyo aragtida lagu saleeyey xulashada oo ah yaa soo dagaalamay, yaa cod isiin kara iyo yaa shalay ii sacabo tumay.

Rajo beelkaan waxaa hordhac u ah hab dhaqanka ay durba soo bandhigeen xildhibaanada qaar kuwaas oo ku dhex lumay jeebka madaxdii kuraasta soo siisay.