Xildhibaanada cusub ee BF oo kulan la isugu yeeray berri iyo ajendaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah yeelanaya kulan weyne wada-jir ah, kadib markii uu maanta guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka uu shaaciyay in uu dejiyay jadwalka doorashada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xildhibaanada ayaa goordhoweyd waxaa loo diray fariin sheegaysa in maalinta berri ah saacadu markay tahay 9:00 subaxnimo uu goluhu leeyahay kulan.

Fariinta loo diray Mudaneyaasha labada gole ayaa waxaa lagu sheegay in ajendaha kulankaas uu yahay Ansixinta wax ka bedelka habraaca ku-meel-gaarka ah ee u gaar ah doorashooyinka guddoonka labada gole iyo Madaxweynaha.

Sidoo kale waxa lagu kala qaadan doono kulankaas warbixin ku saabsan howlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga qaban-qaabada Golaha Shacabka.

“Mudane Xildhibaan Beri oo Isniin ah Tariikhdu tahay 18 April, waxaa jira Kulan weyne Wadajir labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Agendaha: 1. Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha iyo 2. Warbixin ku saabsan hawlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga Qabanqaabada Golaha Shacabka – Saacadu waa 09:00 subaxnimo,” ayaa lagu yiri farriinta.

Guddoonka Ku-meel-gaarka ah ee labada Gole ayaa hore iskula qaatay in la dardar-geliyo doorashada guddoonka, ayada oo labada dhinac ay soo saareen guddiyo ka shaqeeya arrintaas.

Guddoomiyaha cusub ee guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo goor sii horeysay la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in waqtigu uu ku yar-yahay, islamarkaana ay tahay in sida ugu dhaqsaha badan ay u dhacdo doorashada guddoonka labada aqal, si loogu sii gudbo doorashada madaxweynaha.

Doorashada Soomaaliya oo muddo badan soo jiitamaysay ayaa hadda mareysa heer geba-gebo ah, ayada oo tallaabooyinkaan ay muhiim u yihiin qabsoomida doorashada madaxweynaha ee afarta sano ee soo socota, taas oo loo geli doono loolan culus.