Musharax Xasan Sheekh oo ku adkaaday loolankii maanta ka dhacay xarunta BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweyne Farmaajo kaga adkaaday doorashadii lagu doortay guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Xubnaha guddiga qaban-qaabada ee loo xil-saaray doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay guddoomiye u doorteen Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Cabdirisaaq oo ka tirsanxisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh ee UPD, ayaa helay 5 cod, isaga oo sidaas uga adkaaday kooxda madaxweyne Farmaajo oo iyagana dadaal u gelay inay helaan kursigaas.

Guddoomiyaha cusub ayaa si adag uga soo horjeeday shantii sano ee xilka u sareeya dalka uu joogay madaxweyneFarmaajo hab maamulkiisa iyo tallaabooyinkii uu u qaadayey.

Cabdirisaaq ayaa hogaaminaya guddigaan oo ka shaqeyn doona abaabulka iyo dhaarinta guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku-xigeen, waxay guushiisana banaanka u saareysa in xubnaha qaban-qaabada guddiga ay badankooda yihiin mucaarid, marka laga reebo afar xubnood oo taabacsan Villa Somali.

Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa fursad muhiim ah u arkayay inay gacanta ku dhigaan hogaanka guddigaan, kaasi oo ay uga faa’iideysan lahaayeen xal ka gaarista kursiga Fahad Yaasiin ee HOP#086 iyo loolanka guddoonka Golaha Shacabka, hase yeeshe hadda waa damac guul-dareystay.

Guul-darada Farmaajo ee loolanka hogaanka guddigaan ayaa sida ay qabaan falan-qeeyayaasha siyaasadu waxay saameyn ku yeelan doonta qorshaha dib usoo laabashadiisa.

Si kastaba, Guddoonka KMG ah ee guddiyada labada aqal iyo guddiyada qaban-qaabada ayay ka go’an tahay dadajinta doorashada guddoonka rasmiga ah ee labada gole, taasi oo u gogol xaadhi doonta qabashada doorashada madaxweynaha oo si weyn loogu hirdamayo.