Qorshaha dhismaha ciidanka DF oo Nairobi ka bilowday Addis Ababa-na ku dhamaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka keenay qorshaha dhismaha ciidamada qaranka ayaa xogo dheeraad ah ka bixiyay bilowgii qorshahaan iyo halka uu ku dambeeyay.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa xog dheer ah bixiyay, isagoo sheegay in bilowga Qorshaha Dhismaha ciidamada uu ka yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya laguna soo gabo gabeeyay magaalada Addis Ababa.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in qorshahaasi uu yahay mid la doonayo in lagu carqaladeeyo dhismaha ciidamada qaranka oo sida uu sheegay lagu heshiiyay inaysan dhaafin tirada loo jaan gooyay.

Dhinaca kale xildhibaan Axmed Fiqi ayaa sheegay in dalka Tanzania lagu soo gabo gabeeyay shir arimahaan looga hadlayay, balse wuxuu sheegay inuusan jirin ruux Soomaali ah oo ka qeyb galay shirkaasi arimaha Soomaaliya khuseeyay.

“Qorshahaan waxaan ogaanay markaan dabagal tiro badan ku sameynay in Somali aysanba shaqo ku laheyn shalay shir Tanzania ku soo gaba gaboobay ayaa jiray oo ku saabsanaa qorshahan hal qof oo Somali ah ma fadhin, qorshahan wuxuu ka soo bilowday Nairobi, waxaa lagu soo gaba gabeeyay guriga Safiirka Inigiriiska ee Magaalada Addis Ababa”

“markale Xildhibaanada waxaan ka  rabnaa inta aanan la gaarin shirkaasi ka hor ay soo baxaan wax Wasaaradda Difaaca ay hormuud ka tahay.” Ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Qorshaha dhismaha ciidamada qaranka ayaa dhaliyay murun badan oo xildhibaanada ay kasoo horjeedaan, balse dowladda Soomaaliya ayaa arimahaasi ku tilmaamtay in faham qaldan laga tarjumay heshiiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com