Madaxda ma il-duufeen mise dhismaha ciidan qararn ayaa la diidan yahay

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaa isku afgartay dhismaha ciidamada qaran ee Soomaaliyeed, balse waxaa arrintaas lagu tilmaamay inay tahay wadadii lagu burburin lahaa ciidamada Xoogga.

Heshiiskaas waxaa gadaal ka riixeysay dowladda Ingiriiska iyo Mareekanka waxayna aqoonyahanada Soomaliyeed ka digeyn halis ka dhallan karto arrintaan, waxaana jiro olol badan oo arrintaan looga soo horjeedo.

Dadka falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa is waydiinayo haddii madaxda Soomaalida ay il duufeen iyo haddii ay diidan yihiin dhismaha ciidamo qaran oo ay yeelato Soomaliya, waxayna ugu baaqeyn dadka ay talada ka go’do inay ka laabtaan arrintaan.

Heshiiskaan oo ay dowladda Ingiriiska wado ayaa waxaa la filayaa in looga hadlo shirka dhawaan Soomaaliya uga furmi doono Magaalada London, iyadoo lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu halisanaa oo ay Soomaaliya ka qeybgasho.

Haddaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa 7-dii qodob oo ay soo jeediyeen Guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaluya:

  1. In qorshaha loogu magac-daray “Qaabaynta Amniga Qaranka” gaar ahaan qeybta la xiriirta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu khilaafsan yahay dastuurka Soomaaliya gaar ahaan qodobada sare ku xusan.
  2. In Qorshaha qaabaynta amniga qaranku uu u muuqdo mid meelo kale laga soo min-guuriyay, kaas oo aan ka tarjumeyn baahida loo qabo dib u dhiska ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya yeelaneyso balse taa badalkeeda ka muuqato mid ka dhabeynaya tuhunkii & shakigii dadka ka qabeen in la xagal-daacinayo dhismaha ciidamada qalabka sida iyo in Soomaaliya loo diidan yahay in ay yeelato ciidan qaran oo mideysan oo hanan kara sugidda amniga qaranka.
  3. In hanaanka dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay hormuud ka noqoto wasaaradda gashaandhigga iyo taliyaasha ciidan ee hoos yimaada, loona madaxbaneeyo soo diyaarinta qorshaha dib u qaabeynta ciidamada xoogga dalka, qorshahan oo ugu dambeyn la horkeenayo baarlamaanka Soomaaliya si loo ansixiyo.
  4. In dowlad goboleedyada dalku ayagoo ilaalinaya dastuurka iyo federalnimada dalka ay dhistaan ciidamo ammaanka dowlad goboleedyada si ammaanka deegaanadooda ay u sugaan.
  5. In la taliyaasha arrimaha siyaasadda & amniga dowladda federaalka ah ay ku ekaadaan hawlaha la talinta ah, ayagoo dhowraya hawlaha wasaaradaha qaranka iyo mas’uuliyadda loo igmaday sidii ay u gudan lahaayeen faragelin la’aan.
  6. In hoggaanka dalka iyo hogaamiyaasha dowlad goboleedyadu ay ixtiraamaan kaalinta baarlamaanka Soomaaliya, oo aan dib loo soo celin madasha hogaamiyaasha qaranka ee lagu burburiyay baarlamaankii 9aad, iyadoo heshiis kasta iyo go’aan kasta oo hogaamiyeyaashaasi gaaraan la horkeenayo baarlamaanka si loo waafujiyo shuruucda iyo dastuurka dalka.
  7. In wasaaradda gaashaandhiggu ay dib u eegis ku sameyso sida ugu dhaqasaha badan shuruucda ay ku dhsian yihiin ciidanka xoogga dalka iyo in shuruucda kale ee la xiriira difaaca, si ay ula jaanqaadaan marxaladda la joogo, ayadoo meesha laga saarayo in ciidankeenu ku dhismo qaab sharci-darro ah iyo go’aan qayru-dastuuri ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com