Xog: Beesha Majeerteen oo is hortaagtay xilkii Yuusuf Jaalle ee garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay Mudane Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaale) u Magacaabay Maareeyaha guud ee Hey’adda saadaasha  iyo duulista Hawada Soomaaliya kadib markii uu ku fashilmay magacaabistii la sheegay in horey loogu magacaabay Maareeyaha garoonka Diyaaradaha Aadan Adde.

Maareeyihii Garoonka Aadan Cadde, Aadan Cabdi Ashkir, ayaa diidan xil ka qaadis uu ku sameeyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, waxa uuna wali ku doodayaa in xilka looga qaadi karo keliya Digreeto kasoo baxda Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Aadan Cabdi Ashkir, ayaa ku doodaaya in xil ka qaadista uu Ra’isul wasaare Kheyre ku sameeyay 06 April 2017, ay tahay mid aanu waafaqsaneyn sharciga, isla markaana loo baahan yahay in Maareeyaha cusub ee lagu bedelaayo uu la imaado Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maadaama isaga lagu magacaabay Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynihii hore ee Somalia.

Aadan Cabdi Ashkir oo ah shaqsi kasoo jeedo Beesha Mareexaan ayaa ku gacan seyray inuu wareejiyo xilka Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde, wuxuuxna garab weyn ka helay beesha Majeerteen uu Madaxweyne u Farmaajo u sheegtay inuu ninkaan xilkiisa u dhaafo haddii uusan kusoo badaleen booskaas shaqsi kale oo kasoo jeedo Beesha Daarood.

Beesha Majeerteen ayaa ka dhawaajisay inaysan macquul aheyn in Darood laga qaado xilka ay ka hayaan garoonka Aadan Cadde, waxayna madaxweynaha culeys ku saareen inuusan booskaas u magacaabin shaqsi aan beeshaas kasoo jeedin.

Markii uu batay Culeyska Farmaajo kaga imaanayo Daarood, ayuu go’aan ku gaaray inuu xilkiisa u dhaafo Aadan Cabdi Ashkir, waxaana Jaalle lagu qanciyey in la siiyo xilka Maareeyaha guud ee Hey’adda saadaasha  iyo duulista Hawada Soomaaliya.

Beesha Daarood ayaa Farmaajo u sheegay inaysan macquul aheyn inuu Beesha ka saaro xilalka ugu muhiimsan ee Muqdisho, wuxuuna ugu dambeyn Farmaajo wax ku maareeyey caqligiisa isagoo qanciyey Jaalle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com