Qorshaha dowladda Kenya ay ka leedahay tallaabadii ka careysiisay DF ee ay qaaday

By Caasimada Online

Talaadadii June 14, 2022 ayay dowladda Kenya kulan sanadeedle  isugu yeedhay diblomaasiyiinta dalkeeda ka hawlgala. Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) u fadhiya Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa kolkuu qolka kulanka galay arkay calanka Soomaaliya iyo midka Soomaaliland oo meesha lagu bilay.

Safiirku wuxuu kaloo martida kulanka ku dhex-arkay wakiilka Soomaaliland matila oo isna goobjoog ku ahaa, markaas ayay u caddaatay in Kenya ay si buuxda u muujisay in Somaaliya iyo Soomaaliland ay yihiin laba dal oo xiriir la leedahay, wuxuuna go’aansaday inuu kulanka isaga baxo.

Inakstoo, ay 24 saac kaddib Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya  ku sheegtay dhacdada inay ahayd mid aan ku talaggal ahayn, haddana waxay dhalisay goolka ay u dan lahayd oo ah: “Sidaasna waan naqaan!”

Muddadii lagu shuqlanaa doorashada madaxweynaha ayay mucaaradka dowladda oo ay ugu horreeyeen musharraxiintii madaxtooyada so geliyeen dalka aragtida ah :”Wixii Xunba Xaawaa Iska Leh” , taasoo ahayd in xiriirka labada dal oo xumaaday uu sabab u ahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Aragtaas waxaa barbar socotay mid kale, oo dadka danahooda ku xiran yihiin Kenya, ay dabada ka riixayeen oo ku dhisnayd in mar haddii uu tegay madaxweyne Farmaajo, xiriirka labada dal oo faa’iidooyin waaweyn u leh Soomaaliya, caadi ayuu noqon doonaa. Oraahda madaxweynaha cusub, “Soomaali Heshiis Ah, Dunida Hweshiis La Ah,” oo micne guud lahayd ayaa loo fasiray inay dawo u tahay xiriirka xumaaday.

Dhaqanka Kenya isma beddelin inkastoo, madaxweynaha Soomaaliya uu is-beddelay. Teeda kale, waxaa xusuus mudan in Kenya ay isu diyarinayso doorasho guud oo dhici doonto wax ka yar laba bilood (August 09, 2022). Waxaa meesha ku xirmaya xilkii Uhuru Kenyatta oo aan kusoo noqonayn madaxtinimada markii uu dhammaystay labadii xilhayn oo uu dastiuurka u oggolaa.

Madaxtooyada Kenya waxaa u tartamayo Raila Odinga iyo William Ruto, iyadoo Uhuru Kenyatta uu kafaala-qaadayaa Raila Odinga. Saadaasha doorshada Odinga iyo Ruto way isu dhawdahay, balse waxay u badan tahay inuu Odinga rayn doono. Waxaa iyaduna xusuus mudan inuu Odinga horeyba u caddeeyay in haddii uu madaxtooyada fariisto uu  u aqoonsan doono Soomaaliland dal buuxa oo madaxbannaan.

Daqanka quursiga leh iyo daaddaansiga ka muuqdo oo ay Kenya ku dhaqanto ma aha mid maanta billawday, balse waa mid sii kobcayay  wixii ka dambeeyay burburkii Soomaaliya.

Haddaba, maxaa ku kallifayo inay Kenya sidaas ula dhaqanto Soomaaliya mar haddii xiriirka u dhexeeya labada dal uu faa’iidooyin aad u fara badan u leeyahay marka la barbardhigo faa’iidada ay ka hesho Soomaaliya?

1- Kenya waxay ka faa’iidsataa maalgelin Soomaalida oo la egg wax ka badan 6 bilyan doolar. Waxaa kaloo soo gala xawaalooyin loo soo diro Soomaalida ku nool dalkeeda oo aan ka yarayn hal bilyan oo doolar sannadkiiba.

2- Waxaa dalkeeda xafiisyo ku leh inta dowlad ama hay’adood oo kaalmo iyo deeq u wada Soomaaliya, maaddaama Kenya lagu tiriyo dal aamin ah.

3- Kenya waxay noqotay xuddunta ganacsiga iyo albaabka safarka ka soo galo Soomaaliya (Hub) oo badanaaba ay u adeegsato inay ku baaddo Soomaalida iyo Soomaaliyaba iyadoo u muujiso inay dalkeeda u baahan yihiin.

4- Kenya waxay ka faa’iidsataa shaqaalaha khubarada ah iyo barayaasha ka hawlgala Soomaaliya oo ka yimaadda dalkeeda.

5- Kenya waxay u dhoofisaa Soomaaliya qaadka oo ay ku xiran tahay nolosha beeralay fara badan oo ku nool dakhliga kasoo gala qaadka. Waxay kaloo u dhoofisaa badeecooyin kale oo dalka kasoo baxa iyo kuwa dalal shisheeye uga yimaadda oo ay dib ugu sii dhoofiso Soomaaliya oo suuq u ah.

6- Kenya waxay ka kalluumaysataa badda Soomaaliya idan la’aan.

Arrimahaan oo idil waa kuwo Soomaaliya ay wax ka beddeli karto. Kenya, iyadoo ka faa’iidsanayso dibudhiska dowladnimada Soomaaliya oo qabya ah, ayay kula dhaqantaa dalka quursi, baad, iyo faraggelin joogta ah. Waxaa taas dheer inay ku adkaysanayso inaysan u hoggaansamaynin go’aanka Maxkamadda ICJ oo ay caqabad weyn uga dhigayso madaxweynaha cusub.

Haseyeeshee, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ka dheregsan yahay dhaqanka Kenya, sidaas daraaddeed lagama yaabo inuu ku khaldamo. Balse dhacdadii 14ka bishan waxay digniin iyo darsi siinaysaa u tahay cidda moodaysay in dhaqanka Kenya uu yahay mid uu u sabab ahaa Farmaajo, misna ka filayay Kenya dhaqan ku dheehan daris-wanaag, is-ixtiraam, iyo baarwaaqo sooran.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Faalladan waxay markii hore kusoo baxday Jamhuriyadda.com