Xog: Dalka ugu horreeya ee madaxweyne Xasan Sheekh uu booqasho ku tegayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horraanta toddobaadka soo socda safarkiisii ugu horreeyey, tan iyo markii dub loo doortay, ugu baxaya dibedda dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu u safro dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo uu ka helay casuumad madaxweyne oo rasmi ah, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. 

Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheekh Mohamed bin Zayed Al Nahyan oo 13-kii May noqday amiirka Abu Dhabi iyo madaxweynaha dalkaas, kadib markii uu geeriyooday walaakiis Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan. 

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka labada dal, oo uu bilihii tegay dib usoo nooleeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble kadib markii uu go’naa tan iyo bishii April ee 2018.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu sii maro dalka Jabuuti, balse weli lama xaqiijin.  

In madaxweyne Xasan uu Imaaraadka Carabta ka dhigto dalka ugu horreeya ee uu booqanayo ayaa direysa farriin siyaasadeed weyn oo gudaha iyo dibedda dalka ah. 

Shantii sano ee lasoo dhaafay ee uu dalka xukumayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Faraamjo, Imaaraadka Carabta ayaa laga go’doomiyey siyaasadda Soomaaliya, lagana doorbiday Qatar, inkasta oo Soomaalida ay xiriir ganacsi oo taariikhi la leedahay Abu Dhabi.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta inta aanu xilka qaban u ololeyn jiray in la hagaajiyo xiriirka Imaaraadka Carabta, maadaama ay si weyn isugu xiran yihiin Soomaalida, oo ay wadaagaan dano ka waaweyn kuwa Qatar, si gaar ahna ganacsiga.

Booqashadan ayaa Doha u direysa farriin ah inay si rasmi ah usoo geba-gebowday saameyntii xoogganeyd ee ay ku laheyd siyaasadda Soomaaliya shanti sano ee lasoo dhaafay ee uu Farmaajo dalka xukumayey. 

Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan in madaxweyne Xasan Sheekh uusan wax dan ah la lahayn inuu colaadiyo Qatar, balse uu doonayo in Soomaaliya ay dhammaan heshiis la ahaato dalalka gobolka, taasi oo qeyb ka ah siyaasaddiisa; Soomaali heshiis ah, dunida na heshiis la ah.