25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Qorshaha Gabre iyo Geedi ee Hiiraan & Shabeellada Dhexe (Xog xasaasi ah)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatey, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeenna Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Aqristoow waxaa jira qorshe Ex PM Cali Maxamed Geedi iyo Jen.Gabre eey isla wadaan, oo madaxweyne Xassan Sheekh iyo odey-dhaqameedyada Beesha Geedi kadhasheyna lagu qancinayo, kaasoo ah in labada gobole Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan inta lamideeyo, maamulna loosameeyo, dibadeedna Geedi “Madaxweyne” looga dhigo, si waliba qasab iyo sandulle ah, oo lamid ah sidii Shariif Sakiinba loo boqrey, ee Itoobiya ugu amartey Dowlada Dhexena in eey isaga ookaliya taageerto, walibana si Kal-iyo-Laab ah ulashaqeeyso, waxa kaloo dhanna qashinka kushubto.

“Shariif-Sakiin dooran doorta xoowdhahdeen, Digil iyo Miraflana xoow dambaajiseen”

Beelaha walaalaha ah ee dhamaan wada daga labadaa Gobole: Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan iyana sidaa si lamid ah ayaa larabaa in lawada maquunimo. Waxaan maqlijirey, “Fad ama hafadin, wallee waa lagu fadsiin”.

Waxaa sidoo kale qorshuhu yaha in lawada jajuubo siyaasiyiinta kalee labadaa Gobol dhalasho ahaan kasoo jeeda, ee damaca siyaasadeed uu kujiro, si markaa uu Geedi ugusoo boxo “Madaxweynenimada”. Waxaa sidoo kale qorshaha ka mid ah in Geedi uu billoowga hore inkiraad lasoo taagnaado, isagoo dhahaya jago Maamul-Goboleed wax kufalimayo, sida horeba uu udhihijirey, balse gadaal kasoo rogaal celiyo. Dabcan nin Ra’isulwasaare dalka kasoo noqdey oo “Maamul-Goboleed” hoos ugu dhaadhacayna Cabdiweli Gaas baa ubilaabay, oo kaga horeeyey.

Shirkii qorshaha arintan billoowga uahaa waakan GEEDI uu kasoo dhexmuuqday, isagoo dhinaca kuhaya Ugaaskii beeshiisa, oo waliba kuqanacsan sida wax usocdaan, waloow laga yaabe in aanu qorshaha waxbadan kala socon, cidina aaneey wax sihoose ugu faahfaahin, maadaama qorshe rag wataahi yahay, isagana odey-dhaqameed lasharfey oo kaliya noqonkaro.

Jen.Gabre wuxuu taaganyahay ninka inaga inooshaqeeya, ee diyaarka u ah in uu danahiisa gaarka ah inooga gato danaheena qaranka Itoobiya, Soomaaliya wuxuu doono ayaan kadhigeeynaa, taageerana ugu heleeynaa, si siyaasi kastee Soomaaliyeed oo damacba siyaasada Soomaaliya kaleh uu inoogu soo ordo, sidaana uu Kaba-Qaad/Madiidan inoogu noqdo. Tusaalaha ugu dhow ee arintan waa in shalay markii Beelweeynta Digil iyo Mirifle iyagoo mideeysan eey maamul “Lix Gobol” kakooban dhisteen, waliba “madaxweyne” eey kuwada qanacsanyihiina udoorteen, beey Itoobiya iyo ninka maamulaha uga ah siyaasada Soomaaliya ee lagu magacaabo: Jen.Gabre inta waxoo dhan cagta mariyeen, oo waxba kamajiraan kasoo wadaqaadeen, beey Shariif Sakiin oo naceybkiisa eey ummada Digil iyo Mirifle maalin cad Beeydhaba ugu mudaharaadeen, beey si qasab ah dusha uga saareen oo “Madaxweyne” uga dhigeen, waxoo dhanna “Sadex gobol”  kusoo koobeen, oo caasimadana uga dhigeen magaalada Dekadda leh ee Baraawe, si dalkaa Itoobiya ee aan Xeebta laheyn (land locked),  uu uga faa’ideeysto sidii Dakadd eey iyagu Leeyihiin oo kale, waxeeyna ugu biireeysaa tani Dakaddaha kalee Maamul-Beeleedyada (Somaliland iyo Puntland) ee ay ka faa’ideeystaan hadaba. Shariif-Sakiin wuxuu kumuteeystey arintan in uu ahaa ninkii saxiixey documents-kii lagu ogolaadey in Itoobiya dalka soogasho xilligii Col.C/llaahi Yuusuf iyo Geedi, markasoo eey xasuuqii ba’naa ka geeysteen gobollada Koofureed, gaar ahaa Gobolka Banaadir.Wuxuu sidoo kale ah waligii Madiidan ay Itoobiya isku hubtey waligeed, kuna faana in uu yahay nin eey Itoobiya wadato, ama u shaqeeya.Waa arin wadamada xorta ah la isugu xukumo dir, maxaayeelay waa khayaano qaran ama “Treason”.

Maantana sidaa si lamid ah ayey Geedi ugu abaalmarinayaan Xasuuqii uu ka geeystey Koonfurta Soomaaliya, waliba kuu ugu darnaa ee uu dadkiisa Gobolka Banaadir daga eey isaga, Col.C/llahi Yuusuf iyo Maryacalastoodii,  iyo waliba Itoobiya ugu wada geeysteen xilligii uu PM-ka ahaa,  iyo waliba sida waligiisba uu ula shaqeeyn jirtey, hadana ulashaqeeyso markasta Itoobiya.

TALO SOOJEEDIN

1-Soomaalida ayaa waxeey tiraahdaa, “Qraankii Alif ka hallaaba, Al-baqro kama tooso”, sidaa daraadeed waa in howsha aan billowga laga halleyn.

2-Waa in Shirarka laqabanayo ee Maamul usameynta Gobolladaa eey noqdaan kuwo loodhanyahay, oo dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee gobolladaa wada daga uwada dhanyihiin.

3-Waa in si cadaalad, wadatashi, istixgalin iyo isxaqdhowr ah waxwalba lagu saleeyaa.

4-Waa in Ummadaa dagta labadaa gobol aan shaqsi dambiile-dagaal ah (War Criminal) loowada afduubin masiirkooda dhan ee ummadeed, Dowladuna aaneey sidii Maamulkii Shariif-Sakiin ugu sharaf beelin, balse eey taageerto Maamul xalaal ah oo ummadaa eey kudhanyihiin, kuna wada qanacsanyihiin, si simanna uwada matala.Waloow saameeynta Jen.Gabre iyo madaxda kasareeysa ee dalka eey kuleeyihiin Dowlada dhexe ay tahay mid aah xad laheyn “Limitless”.

5-Ugu dambeynna dowladu waa in eey dhextaagnaataa Ololaha maamul usameynta labadaa gobol, kaalin firfircoona ka qaadataa, iyadoo ilaalineeysa sawirka guud ee nabad iyo walaaltinimo kuwada noolaashaha dhamaan beelahaa walaalaha ah ee kuwada dhaqan labadaa gobol.

“Ninkaan waxa socda garankarin, waxa soo socdana ma garto”

Qoraa: C/Qaadir M. Cismaan (Cabdiboqor)

Maamule kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Bare/Macallin ka ahaa

Al-Madinah International University, [email protected],Minnesota, USA.

- Advertisement -

Read more

Local News