XOG: Maxay tahay sababta hortaagan qorshaha soo daabicida lacagta cusub

Muqdisho(Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane, ayaa ka hadlay caqadaha hortaagan dalka Soomaaliya loosoo daabaco lacago Shilin Soomaali ah oo badan si dalka loosoo gaarsiiyo.

Xuseen Cabdi Xalane, ayaa sheegay iney jiraan hanjabaado iyo weeraro afka ah oo uu kala kulmay qorshaha soo daabicida lacago cusub oo dalka uu yeesho, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kula dardaamay wasiirka cusub ee wasaarada maaliyada Soomaaliya inuu wax badan ka qabto daabida lacagta shilinka Soomaaliga, maadaama dalka uu kasii yaraanayo adeegsiga lacagta.

Dhanka kale wasiirkii hore ee maaliyada Xuseen Cabdi Xalane, ayaa sheegay inay jiraan Shilin Soomaali cusub oo ay daabacday dowlada Sudan, laakiin keenisteeda dalka ay u taalo wasiirka cusub ee maaliyada.


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com