Qorshaha musharaxiinta mucaaradka ee haddii ay doorashada dhici weyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muddo xileedkiisa waxaa ka haray kaliya laba maalin, wuxuuna 8-da bisha Febraayo uu noqonayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa waqtigeeda dhaaftay, waxaana dhimatay rajadii laga qabay in shirka Dhuusamareeb 4 lagu gaaro heshiis horseedi kara in doorasho ay dhacdo, ayada oo xalay shirkaas lagu kala tegay.

Dhowr goor oo hore oo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay heshiis ka gaareen doorashada, waxaa xigay khilaaf cusub kadib markii qodobadii lagu heshiiyey la fulin waayey, hase yeeshee marka xitaa heshiis lama hayo, waxaana muuqata in Soomaaliya aysan doorasho ka dhici doonin waqti dhow.

Haddaba muxuu yahay qorshaha mucaaradka haddii la qaban waayo doorasho?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, haatana ahna guddoomiyaha midowga musharraxiinta, Mudane Sheekh Shariif Axmed oo Khamiistii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay waxa dhacaya haddii sidaas ay dhacdo.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin muddo kororsi horleh, islamarkaana ay muhiim tahay in ilaaliyo shuruucda iyo dastuurka u yaalla dalka.

Madaxweynihii hore ee ee dowladda KMG aheyd oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday, haddii la gaaro 8-da Febraayo, islamarkaana ay dhici weyso doorashada ay tahay in dalka uu ku socdo heshiis siyaasadeed oo ay u dhan yihiin dhinacyada oo dhan.

Shariifka ayaa intaasi ku sii daray in kadib loo baahan doono Gogol Soomaaliyeed oo looga hadlayo qabashada doorashada iyo arrimaheeda.

“Waa la soconayaa waxaa loo baahanayaa Gogol Soomaaliyeed oo Soomaalidugu isugu timaado ka tashato doorashada iyo sida loo qabanayo,” ayuu yiri Sheekh Shariin

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in ka musharraxiin ahaan ay billaabeen kulamo wada-tashi iyo wada-hadallo ay la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Annaga hadda waxaan billownay wada-hadalladadii qeybaha bulshada, odayaashii ayaa maanta la kulanay, waana wadi doonaa inaan talada uruurino,” ayuu sii raaciyey.