Mahad Salaad oo shaaca ka qaaday ‘cidda fashilisay’ shirka Dhuusamareeb 4

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ee ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirkii wada-tashiga Dhuusamareeb ee xalay lagu kala tegay.

Mahad Salaad ayaa dhaliisha dusha ka saaray madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna shaaca ka qaaday in isaga uu ka socon waayey shirkaasi.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in wax laga xumaado ay tahay in lagu kala kaco shirkan, islamarkaana madaxweynuhu uu fashiliyo gogoshii ay dhigtay Galmudug.

“Gudoomiye ka socda Jubaland tagi maayo Garbahaarey” wax lala soo shir tagi karo maahan ee Farmaajo wuxuu raadinayay marmarsiiyo uu shirka Dhuusamareeb 4 ku burburiyo. Waana wax laga xumaado in Farmaajo Galmudug magaca uga dheelo, mar labaadna uu fashiliyo gogashii Galmudug dhigtay sidii horay u dhacday shirkii Dhuusamareeb 3,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay Facebook-ga.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in go’aanka Farmaajo uu ahaa Axmed Madoobe iyo maamulkiisa waxaa diiday Beesheyda, halka Axmed Madoobe-na uu ku adkeystay gudoomiyaha degmada halagu celiyo magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Halkan hoose ka aqriso:-

WAA HABAAR QABE LAGU SIRMAY‼️

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Hasha maqaarka diideysa meelo daldaloolay ka daydaa. “Gudoomiye ka socda Jubaland tagi maayo Garbahaarey” wax lala soo shir tagi karo maahan ee Farmaajo wuxuu raadinayay marmarsiiyo uu shirka Dhuusamareeb 4 ku burburiyo. Waana wax laga xumaado in Farmaajo Galmudug magaca uga dheelo, mar labaadna uu fashiliyo gogashii Galmudug dhigtay sidii horay u dhacday shirkii Dhuusamareeb 3.

MW Ahmed Madoobe, Deni iyo Qoorqoor xalay anagaa aragnay waxa kaliya ee Axmed ku dheganaana waxay ahayd Gudoomiyaha Degmada halagu celiyo Garbahaarey si gudiga ay ugu suurogasho in ay meesha tagaan, doorashana u qabtaan. Farmaajo waxa uu rabana waraaqdaan haku qorto. Halka Farmaajo warkiisu ahaa Axmed Madoobe iyo maamulkiisa Beesheydu waa diiday in ay maamulaan!

Marka waxaa in la iswaydiiyo mudan Madaxweynuhu ma afhayeenka Beeshiisaa mise waa Madaxweyne Soomaaliyeed oo loo wada simanyahay, dalka iyo dadkana mas’uuliyad ka wada saarantahay. WALLEE MIDKAANI WAA HABAAR QABE LAGU SIRMAY!