Muxuu Axmed Madoobe ka yiri fashilka shirkii wada-tashiga Dhuusamareeb 4?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa faah faahin ka bixiyey shirka wada-tashiga ee magaaladaasi ee lagu kala tegay.

Axmed Madoobe ayaa marka hore shaaca ka qaaday inay saameeyeen wax-kasto oo tanaasul ah, balse wuxuu fashilka shirka ku eedeeyey madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan isku deynay wax kasto oo tanaasul ah oo aan sameyn karno, waxaan soo jeedinay oo kal haddii ay sidan tahay bal arrinta doorashada in loo kaadiyo oo dib heshiisiin la galo gobolka Gedo oo dhan hala-galo, ciidamadana ha la’isku dhafo.” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in si aad ah la’isugu qabtay arrinta gobolka Gedo, gaar ahaan maamulka degmada Garbahaarey oo ka mid ah meelaha loo qorsheeyey inay ka dhacdo doorashada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

“Haddii ay Jubbaland magacaabeyso guddiga iyo odayaasha hasoo jeediyeen, haddii magacaabista Jubbaland ku lug leedahay ma’aqbalayo ayuu yiri madaxweynuhu,” ayuu markale shirkiisa Jaraa’id ku yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan soo magacaabi doonin guddiga doorashada ee Jubbaland, illaa inta laga xalinayo arrintaasi, loona deynayo maamulka Garbahaarey.

“Ma kari karo marka anigu guddi inaan qatar geliyo laleeyahay guddoomiyihii ay la shaqeynayeen haddaad magacowdo dhib ayaa ka imaanayo,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha uu isku soo koobay hal degmo, islamarkaana uu ka tegay mas’uuliyaddii loo igmaday ee Qaranka.

“Haddaba sidee madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Soomaaliya u xukumi karayaa?,haddii hal degmo uu sheegtay oo yiri anaa leh oo anaa kasoo jeeda,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo lagula kacay shirkii ugu danmbeeyey ee wada-tashiga Dhuusamareeb, kaas oo 5-tii maalin ee lasoo dhaafay ka socday magaaladaasi.