Banaan-baxyo ka dhan ah Axmed Madoobe oo ka dhacay Gedo + Sawirro

Garbahaarey (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka gobolka Gedo ayaa maanta dibad-bax looga soo horjeedo maamulka Jubbaland ka dhigay qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaasi, kaas oo ay ka qeyb-galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dibad-baxayaasha, oo ay soo abaabushay dowladda federaalka, ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah Axmed Madoobe, iyaga oo ku eedeeyey in uusan weligii waxba u qaban shacabka ku dhaqan gobolkaasi.

Sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay waraahinta ayaa sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan in gobolka Gedo iyo doorashadiisa la hoos geeyo Jubbaland.

Dowladda federaalka ah ayey sidoo kale ugu baaqeen in Axmed Madoobe aysan heshiis kala gelin arrinta gobolka Gedo oo xudun u noqotay muranka doorashada 2021-ka.

Waxaa sidoo kale dibad-baxyadaan ka qeyb-galay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta degmooyinka ee taageersan dowladda dhexe oo iyagu soo abaabulay banaan-baxyada.

Si kastaba arrintan ayaa imaaneyso, iyada oo lagu kala kacay shirkii Dhuusamareeb 4, waxaana arrimaha la’isku qabtay ka mid ah xiisada weli ka taagan gobolka Gedo.