Mursal oo sheegay ujeedka kulanka BF, kana saaray xildhibaanada Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha golaha shacabka Maxmed Mursal Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kulanka maanta ay u fadhiyaan xubnaha ka tirsan Baarlamaanka uusan aheyn mid muddada loogu kordhinaayo xildhibaannada iyo xukuumaddaba.

Gudoomiyaha wuxuu xildhibaanada hortooda ka sheegay in kulankaan uu ajandahiisa kaliya yahay in la dhageysto khudbadda uu soo jeediyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isagoo cuksanaya qodobka 90-aad ee dastuurka dalka kaas oo dhigaya in wakhti walba uu madaxweynaha la hadli karo golaha shacabka, ayaa Mursal wuxuu xildhibaanada u sheegay in codsi ka yimid madaxweynaha ay kuraasta ugu fadhiyaan.

Dhanka kale xildhibaanada aqalka sare ee diiday amarka gudoomiyahooda Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo qoraal uu soo saaray shalay ku sheegay ineysan helin wax codsi ah oo kaga yimid madaxweynaha ayaa laga soo saaray kulanka ay yeelanayaan golaha shacabka.

Qaar ka tirsan xildhibaanada aqalka sare ayaa tagay xarunta golaha shacabka, balse waxaa loo sheegay iney isaga baxaan.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan wuxuu u sheegay xubnaha aqalka sare ee goobta ku sugnaa in kulanka uu u gaar yahay golaha shacabka, isla markaana ay codsiyo uga yimaadeen guddoonka sare ee aqalka sare, sidaas darteedna aysan golaha shacabka dooneynin iney khilaaka qeyb ka noqdaan oo ay xal u noqdaan wax walba oo jira.