Nuxurka khudbaddii uu madaxweyne Farmaajo ka jeedeyey kulankii BF ee maanta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad ka hor jeediyay xildhibaanada golaha shacabka, xilli uu kasoo tagay magaalada Dhuusamareeb ayada oo aan wax heshiis ah lagu gaarin.

189 xildhibaan ayaa soo xaadiray kulanka maanta, waxaana ka maqnaa xildhibaanada Aqalka Sare, oo qaar ka mid ah ayaga oo aan la casuumin yimid, balse lkaga saaray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisii kaga hadlay arrrimaha doorashada, iyo wixii soo kala gaaray isaga iyo madaxdii ay ku kulmeen Dhuusamareeb, wuxuuna xildhibaanada golaha shacabka u sheegay in wakhtigooda dhamaaday, balse ay gudanayaan waajibaadkooda iyagoo gaaraya go’aanno masiiri ah.

Farmaajo ayaa xildhibaanada u sheegay in Soomaaliya ay tahay dal madax bannaan, islamarkaana ay tahay inaan la dhageysan “waxey sheegayaan shisheeyaha,” taasina ay tahay go’aan masiiri ah oo qof walba u taalla, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday fashilka shirkii Dhuusa-mareeb, ayaa tilmaamay iney jirto hal fursad oo kale, taasoo sida uu sheegay ay doorashada isaga imaan doonaan madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, hadii kulankan is af-garad laga gaari waayanna ay talada u soo celin doonaan baarlamaanka.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo inaan diyaar u nahay hirgelinta heshiiskii 17 september, waxaana idinka codsaneynaa inaad nagu garab gashaan sidii walaaleheen naga maqan u qancin leheyn iney qeyb ka ahaadaan hirgalinta heshiiska,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha wuxuu sheegay inuu tanaasul badan sameeyay, balse madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay ka hor imaanayeen wax walba, wuxuu sheegay inuu ka tanaasulay heshiiskii 17-ka September.

Wuxuu ku daray in Saciid Deni uu qortay heshiiskaas, isagana uu soo jeediyay laba arrimood oo ah, in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ay shaqeeyaan iyo in la yareeyo lacagaha lagu xirayo haweenka musharaxiinta ah.

Madaxweyna Farmaajo wuxuu khudbadiisa ku sheegay in faragalin shisheeye ay ku jirto arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, balse aanu rabin inuu tilmaamo, xaqiiqaduna ay tahay ineysan waxba hagaagi karin.

Wuxuu xildhibaanada golaha shacabka ka codsaday iney gacan ka geystaan qancinta labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland, wuxuuna rajo ka muujiyay in kulamo kale la isugu yimaado.