GUULEED oo sheegay inay fajac ku noqotay ‘go’aanka uu qaatay’ FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay fashilka ku yimid shirkii Dhuusamareeb 4 kadib markii madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe ay isku mari waayeen arrinta gobolka Gedo.

Guuleed, oo hadda ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa qoraal uu facebook soo dhigay ku sheegay inay fajac ku noqotay go’aanka uu qaatay madaxweyne Farmaajo natiijo la’aan uga soo tegay shirka Dhuusamareeb, isaga oo masiirka umadda u xanibay hal gobol, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa nasiib darro weyn tahay in madaxweyne Farmaajo uu natiijo la’aan kasoo dhaqaaqay Dhuusamareeb isagoo diiday inuu wax tanaasul u ah u sameeyo danta dalka,” ayuu yiri Guuleed.

Hoos ka aqriso qoraalka Guuleed facebook.

Waa nasiib daro weyn inuu madaxweynihii qaranku natiijo la’aan kasoo dhaqaaqay Dhuusamareeb isagoo diiday inuu wax tanaasul u ah u sameeyo danta dalka. Soomaaliya wixii maanta ka halaaba waxaa masuuliyadeeda qaadi doona madaxweyne Farmaajo. Waxaa ay nagu noqotay fajac iyo ama-kaag in madaxweynihii Qaranku ka fuqi waayo gobal gaar ah iyo 16 kursi, isagoo wali ku haminaya inuu sii ahaado madaxweyne Soomaaliyeed, xili kalana la soo doorto.

Waxaan ku baaqeynaa in ummadda Soomaaliyeed isugu timaado shir aayo ka talin ah oo lagu badbaadinaayo Dalka iyo  Dowladnimada. Madaxweynaha waxaan leenahay maadaama aad awoodi weysay inaad dalka isku heyso, tanaasul sameyso, oo aad abuurtay naceyb ummadda dhexdeeda ah, fadlan xilka ku wareeji Baarlamaanka si aanan loo sii kala tagin.

Sidoo kale xildhibaannada maanta ku shirsan Villa Hargeysa waxaan usoo jeedineynaa in aaney uga sii darin xaalka cakiran ee dalka, oo aaney abuurin xasarad aan laga soo waaqsan karin. Qaataanna go,aan dadlka badbaadinaya.

Guul iyo Gobanimo.