Madaxweyne Farmaajo oo ka gaabsaday laba qodob oo la filayey inuu ka hadlo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta khudbad u jeediyey xildhibaanada golaha shacabka, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo labada qodob ee sababta u ahaa inuu fashilmo shirkii Dhuusamareeb. 

Madaxweynaha oo khubadiisa socotay ku dhowaad nus saac, ayaa aad uga hadlay arrimaha doorashada, khilaafka siyaasadeed ee dalka iyo tanaasul uu sheegay in uu sameeyay intii uu khilaafka taagnaa. 

Hase yeeshee, labada qodob ee muhiimka u ah xal u helida muranka doorashada, islamarkaana la filayey inuu madaxweynaha soo hadal qado, waa arrinta Gedo iyo tan xidlhibaanada Gobalada Waqooyi, mana soo hadal qaadin Madaxweyne Farmaajo balse waxa uu si taxadar leh uga hadlay arrimaha kale ee doorashada.

Qodobka Gedo, ayaa la rumeysan yahay sababta uu madaxweynaha ugu dheggan yahay inay tahay 16-ka kursi ee laga soo dooranaya Garbahaarey, oo uu doonaya inuu maamulo. 

Sidoo kale, arrinta xildhibaanada Waqooyi ayaa leh sabab taas la mid ah, wuxuuna madaxweynaha doonayaa inuu soo xulo dhamaan xildhibaanada waqooyi, si uu codkooda ugu xisaabtamo.

Taas beddelkeed wuxuu madaxweynaha shacabka iyo xildhibaanada u weeciyey arrin ay adag tahay in hadda maskaxda ay gasho oo ah in dalal shisheeye ay hortaagan yihiin doorashada.

Waxa uu sidoo kale eeda fashilka doorashada dusha ka saaray maamulada Puntland iyo Jubbaland, gaar ahaan Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. 

“Ugu yaraan 5 jeer ayaa tanaasulay, waxaan dhahay qolkaan gala ee wax soo xar xariiqa,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. 

“Sidii aan rabay uma dhicin heshiisyadii siyaasadeed ee doorashada, waxaan u dhaafay maamulada wixii ay ku heshiiyeen ayey dhaqan gelin waayeen.” 

Muhiimada Khudbada Madaxweynaha waxey aheyd in dhamaan guul darrooyinka doorasho ee Qaranka dusha laga saaro maamulada Puntland iyo Jubbaland. 

Lama oga halka uu ku dambeyn doono xaalka siyaasadeed ee Soomaaliya waxaana sii kordhaya walwalka ay qabaan shacabka Soomaaliyeed. 

Si katsaba, haddii madaxweynaha u ogolaado Cabdi Xaashi inuu kaalin ku yeesho soo xulista xildhibaanada Waqooyi, iyo in gobolka Gedo uu maamulo Axmed Madoobe oo maamulkiisa hoos tago, waxaa dhaba ah in xal loo helayo muranka ka taagan doorashada.