CC Shakuur oo sheegay hay’adaha DF ee aan kusii shaqeyn karin xil-gaarsiin ee ay tahay inay iska tagaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo hay’adaha dowladda Soomaaliya uu qaarkood muddo xileedka ka dhamaaday, sida baarlamanka, madaxweynaha ay ugu eg tahay berri, ayaa siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ka hadlay kuwa ay tahay inay sii shaqeeyaan iyo kuwa ay tahay inay iska tagaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay in madaxtooyada ay tahay xafiis lagu joogo muddo xileed, sidaas darteedna uusan madaxweynaha kusii joogin karin xil-gaarsiin.

“Dad badan waxaa iskaga khaldan xafiiska iyo muddo xileedka. Madaxtooyada waa xafiis madaxweyne, laakiin muddo xileed sharci ah ayaa lagu joogaa. Baarlamaan waa gole xildhibaan, laakiin muddo xileed ayaa looga mid yahay. Waxaa jira hay’ado xil gaarsiin leh (caretaker), laakiin xilka madaxweynaha kuma jiro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa inkasta oo uusan si toos ah u magacaabin sheegay in xil-gaariisnta ay leedahay xukuumadda, ayna tahay inay shaqadeeda qabsato.

“Cidda xilgaarsiinta leh wey caddahay, waxaana rajeynayaa in ay kaalintooda dhowaan qaadan doonaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyey inuu gobolka uu kasoo jeedo ee Gedo dartiis uu danta qaranka u xanibay.

“Waxaa shacabka Soomaaliyeed isku qaban waayey sheegashada Madaxweyne Farmaajo ee aheyd in uu shan jeer danta qaranka u tanaasulay, laakiin shirkii xalay lagu soo kala tegey uu danta xaafaddiisa ka tanaasuli waayey,” ayuu yiri.