Dagaalamayaal weeraray guddoomiyaha Luuq oo qaar la dilay, qaar la qabtay

Luuq (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shaabab ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay wadada xariirisa magaalooyinka Luuq iyo Doolow, waxuuna ku bilaawday weerar jid-gal ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen gadiid uu la socday guddoomiyaha cusub ee degmada Luuq.

Kolonyada guddoomiyaha ayaa markii la weeraray ka timid dhinaca degmada Doolow, iyagoo ku sii jeedeen degmada Luuq,  waxaana halkaas ka dhacay dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka maamulka gobolka Gedo Cali Cabdullahi Jubba ayaa sheegay in ciidamadii dowladda ee la socday kolonyada guddoomiyaha Luuq ee weerarka jid galka ah lagu qaaday ay dileen 7-dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana ay nolosha ku qabteen afar dagaalame oo kale.

Daagaalkaas ayaa ka dhacay Tuulooyinka Shaatalow iyo Kheydar, oo u dhaxeeya Luuq iyo Doolow, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka maamulka gobolka Gedo.

Dhanka kale ururka Al-Shabaab oo war kasoo saaray weerarkaas ayaa sheegtay mas’uuliyadiisa, waxayna sheegeen in laba gaari ay ka furteen ciidamada ay weerarka ku qaadeen ee dowladda Soomaaliya.