Qorshaha Raila Odinga ee Soomaaliya oo walaaciyey Uhuru iyo sirdoonka Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Isaga oo og inaan laga jecleyn Muqdisho, ayaa ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya ahna musharax madaxweyne ee doorashada 9-ka August, Raila Odinga wuxuu dhowaanahan qaadayey tallaabooyin uu doonayo inuu kusoo jiito mas’iiliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Mowqfiyo hore oo uu qaatay, oo ay ugu weyneyd inuu taageeray mdax-banaani ay hesho Somaliland, ayaa Odinga ka dhigay shaqsi aysan Soomaalida eegi karin.

Hase yeeshee, isaga oo hadda doonaya in haddii la doorto uu ku dhowaado dowladda cusub ee Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa Odinga wuxuu ballan-qaaday inuu dib u furi doono xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Musharaxa isbaheysiga Azimio la Umoja ayaa ballan-qaadkan sameeyey isaga oo dhowaan safar ku maray gobolka waqooyi bari Kenya ee Soomaalida ay degto.

Hase yeeshee ballan-qaadyada Odinga ayaa walaaciyey madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ahna ninka uu taageerada ugu xooggan ka haysto iyo sidoo kale sirdoonka Kenya oo heegan culus ku jira kahor doorashada 9-ka August, sida uu qoray wargeyska Africa Intelligence.

Sirdoonka ayaa ka walaacsan halista sii kordheysa ee kooxda Al-Shabaab ee kasoo gudubta xuduudda islamarkaana weerarada ka fulisa waqooyi bari Kenya. Inkasta oo xuduudd ay xiran tahay, haddana dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliyey Mandera, Gaarisa iyo Wajir. 

Agaasimaha sirdoonka Kenya Philip Kameru, dambi baaraha booliska Hillary Mutyambai, agaasimaha madaxtooyada Robert Kibochi iyo wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang’i ayaa dhammaantood kula taliyey Kenyatta inuu iska fogeeyey hindisaha Odinga.

Saraakiisha amniga ayaa ka ashtakooday inaan lagala tashan hindisaha, inkasta oo Odinga uu helay warbixinadii amni ee ugu dambeeyey kuwaas oo hoosta ka xariiqay halis ku saabsan in Al-Shabaab ay weeraro ka fulin karto Nairobi iyo Mombasa inta lagu guda jiro ololaha doorashada,

La-taliyeyaasha Kenyatta ayaa sheegay inaan weli la gaarin xilligii laga hadli lahaa isu soo dhowaansho, madaxda Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowaan u billaabay inay ka wada-hadlaan nashqad lagu soo celin karo xiriirka diblomaasi ee labada dal iyo la-dagaalanka argagixisada.

Kooxda madaxweynaha ayaa dooneysa intaas beddelkeed uu Odinga diiradda saaro hindisooyinka ay isku aragtida ka yihiin sida xal u helidda “muranka xuduuda badda” labada dal iyo dib usoo celinta dhoofintii qaadka Kenya ee Soomaaliya.

Oding-ka ayaa doorashada madaxweynaha kula tartami doona madaxweyne ku-xigeenka iminka William Ruto.