Qorshaha XASAN SHEEKH haddii ciidanka Itoobiya soo galaan Gobollada Waqooyi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay waxa ay sameyn doonaan haddii ay ciidamada Itoobiya soo galaan gobollada waqooyi ayaga oo fulinaya heshiiska ay la galeen Somaliland.

“Si kasta oo suurtogal ah ayaan isu difaacaynaa haddii ciidamada Itoobiya dalka soo galaan si ay u fuliyaan heshiiskii badda,” ayuu yiri madaxweynaha oo wareysi siiyay wakaaladda Wararka Reuters, balse ma uusan sheegin qaabka la isu difaacayo iyo waddada la adeegsanayo.  

Wuxuu mar kale ku celiyay in uusan la hadli doonin Abiy Ahmed illaa inta ay ka laabanayaan heshiiskii sharci darada ahaa.  

Madaxweynaha ayaa dhan kale sheegay in aysan hadda qorshaha ugu jirin in uu dalbado in dalka laga saaro 3-da kun ee ciidamada Itoobiya ee ka tirsan hawlgalka ATMIS.

Si kastaba warqad uu qorey xafiiska Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo jawaab u ahayd mid kale oo Itoobiya kasoo baxday ayaa lagu yiri “Ciidamada Itoobiya ee ATMIS waxay lumiyeen sumcaddii ciidan nabad illaalin.”

Dhowaan ayay illaa 500 askari oo Itoobiyaan ah isaga baxeen magaalada Kismaayo, kuwaas oo qeyb ka ahaa qorshaha bixitaanka ATMIS, balse waxaa la fahamsanyahay in markii horeba aanan halkaasi lacaga jecleyn, aysana jirin wax wada shaqayn rasmi ah oo ay maamulka la lahaayeen tan iyo sanadkii 2019-kii. Ma jirin hawlgalo ay sameeyeen.

Farogalinta Itoobiya ayuu madaxweynaha sheegay in ay sababtay in Al-Shabaab ay qortaan Illaa 8 kun oo dagaalyahano bishii Janaayo oo kaliya.  

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan heshiis difaac oo dhanka badda ah la gashay Turkiga, balse weli faah-faahin buuxda lagama hayo qodobada heshiiska iyo haddii ay qeyb ka tahay in ciidamada Turkiga ay difaaci doonaan Soomaaliya, haddii lagu soo duulo.